Qiimaynada Shaqada Habdhaqanka iyo Qorsheyaasha Caawimaada Habdhaqanka (FBAs iyo BIPs)

Qiimaynada Shaqada Habdhaqanka iyo Qorsheyaasha Caawimaada Habdhaqanka (FBAs iyo BIPs)

Ardayda ayaa waajaha noocyada kaladuwan ee filashooyinka habdhaqanka marka ay dugsiga joogaan. Waxaa si guud laga doonayaa inay u fariistaan si aamusnaan leh, ay dhageystaan macalinka, socdaan, oo aysan ordin, ay ku hadlaan cod gaaban marka ay gudaha joogaan, ayna qadariyaan dadka kale.

Liiskaan ayaa noqon kara mid aan dhammaad lahayn haddii aan iskudeyno inaan ku soo darno dhammaan filashooyinka fasallada heerarka kaladuwan, ee goobaha kaladuwan, iyo qaababka badan ee looga falceliyo habdhaqanka fasallada iyo dugsiyada kaladuwan.

Ardayda ayaa u baahan fursado si ay u bartaan filashooyinka habdhaqanka, isla sida ay ugu baahan yihiin fursado ay ku bartaan akhriska, wax qorista iyo xisaabta.

Waxay u baahan yihiin fursad ay ku bartaan waxa ay tahay habdhaqanka laga doonaayo, sida ay u gaarayaan filashooyinkaas, iyo sababta ay muhiim u yihiin. Waxay u baahan yihiin fursado ay ku tababartaan, wax uga bartaan khaladaadkooda, ayna ku helaan dhiiri gelin marka ay buuxshaan himilooyinka.

Marka dugsiyadu xog ka siiyaan qoysaska himilooyinka habdhaqanka, qoysaska ayaa gacan ka gaysan kara xoojinta waxbarashada marka ilmuhu guriga joogaan.

Haddii arday uu ku dhibtoonaayo buuxinta himilooyinka habdhaqanka, talaabada koobaad waa in la hubiyo in ardaygu fahmaayo waxa laga doonaayo, iyo sida loo buuxinaayo himilooyinka.

Haddii habdhaqanka ardaygu carqalad ku tahay waxbarashada, ayna sii socoto kadib marka la isku dayo in la xaliyo, dugsiyada iyo qoysaska ayaa ka wada shaqayn kara sidii ay fahan fiican uga heli lahaayeen meesha habdhaqanku ka imaanaayo, iyo waxa laga yaabo in ardaygu doonaayo inuu ku sheego habdhaqanka.

Haddii iskudayada xal u helida habdhaqanku aysan guulaysan, habdhaqankuna uu carqalad ku yahay waxbarashada, Qiimaynta Habdhaqanka Shaqada (FBA) ayaa muhiim noqon karta si loo fahmo "shaqada" ama ujeedada habdhaqanka, uuna nooga caawiyo hagista caawimaado waxtar leh, oo wanaagsan.

FBA ayaa loo baahan yahay xaaladaha qaar marka ilmaha naafada ah laga hakiyo ama laga ceyriyo dugsiga muddo 10 maalmood ah ama ka badan. FBA ayaa farsamo guul leh noqon kara si loo taageero ilmo kasta, mid naafo ah ama mid aan naafo ahayn intaba.

Haddii aad walaac ka qabto in habdhaqannada ilmahaagu ay carqalad ku yihiin waxbarashada, ay abuurayaan talaabooyinka edbinta oo soo laalaabta, ama ka hor istaagayaan ilmahaaga inuu waqti dheeri ah ku qaato goobta waxbarashada guud, waxaad ka codsan kartaa dugsiga inay sameeyaan FBA ayna abuuraan BIP.

Si aad u hesho xog dheeraad ah, eeg Liiska Hubinta, ee Su’aalaha Badanaa La Iska Wayddiiyo ee FBA iyo BIP ee OEO: Waxyaabaha laga eegaayo FBA iyo BIP iyo Waraaqaha Tusaalaha ah ee Codsashada FBA iyo Dib u eegista BIP.

What if my child already has a BIP but is still struggling with behavior?

Ka waran haddii ilmahaygu uu leeyahay BIP laakiin uu wali leeyahay habdhaqan qalafsan?

Haddii habdhaqannada ilmuhu wali sii socdaan kadib marka BIP loo sameeyo lana dhaqan gasho, ama haddii habdhaqanno cusub oo xun biloowdaan, iskuday inaad codsato kulan si dib u eegis loogu sameeyo qorshaha jira loogana baaraan dego talaabooyinka xiga.

Kahor kulanka, waxaad ka codsan kartaa in kooxda la shaqaynaysa cunugaaga inay kula wadaagaan xogta lagasoo uruurshay qorshaha habdhaqanka hadda jira. Inta kooxdu dib u eegayso xogtii ugu danbaysay ee la xiriirta habdhaqanka cunugaaga, waxaad ka baaraan degi kartaa in:

  • Ay jirto xog ku filan si isbadello loogu sameeyo BIP-ka hadda jira iyo in la sii wado la socoshada hormarka; ama
  • Kooxda ayaa u baahan xog faahfaahsan oo ku saabsan ujeedooyinka keeni kara iyo sababaha kicinaaya habdhaqanka cunugaaga.

Haddii xog cusub, oo la cusubooneysiiyay loo baahan yahay, FBA cusub ayaa la abuuri karaa si loo naqshadeeyo BIP cusub.

Si guud, caawimaadaha cusub ee habdhaqanka ayaa waqti qaadanaaya kahor intaan natiijo laga gaarin, kooxda ayaana dooni karta inay siiso ugu yaraan lix asbuuc ama bil iyo haaf si ay cunugaaga u siiyaan waqti uu ku barto habdhaqanka laga doonaayo.

Where can I learn more about FBAs and BIPs?

Xagee ayaan ka baran karaa xog badan oo ku saabsan FBA iyo BIP?

Xeerarka Waxbarashada Gaarka ah ee Gobolka Washington (WACs):

https://apps.leg.wa.gov/WAC/default.aspx?cite=392-172A&full=true

OSPI (Office of Superintendent of Public Instruction (Xafiiska Kormeeraha Guud ee Casharada Dugsiyada Dawlada)):

Tusmo loogu talagalay Habdhaqanka iyo Anshaxa ee Qoyska:

https://ospi.k12.wa.us/student-success/special-education/family-engagement-and-guidance/behavior-and-discipline

Noocyada Qaabka Gobalka ee Waxbarashada Gaarka ah, ayna ku jiraan FBA-yada iyo BIP-yada:

https://ospi.k12.wa.us/student-success/special-education/program-improvement/model-forms-services-students-special-education

Waraaqda Shaqaalaha Qaaliga ah ee U.S. Department of Education:

Caawimaadaha iyo Taageerooyinka Habdhaqanka Wanaagsan ee IEP-yada, Agoosto 1, 2016:

https://www2.ed.gov/policy/gen/guid/school-discipline/files/dcl-on-pbis-in-ieps--08-01-2016.pdf

Checklist: What Things Should I Look for in an FBA?

Liiska hubinta: Waxyaabaha laga eegaayo FBA-ga

  • Ma qeexayaa habdhaqan gaar ah oo la arki karo lana cabiri karo
    • Ma ku suurayn kartaa maskaxdaada?
    • Qof aan ilmaha aqoon ma suuraysan karaa isla habdhaqanka haddii uu akhriyo qeexitaanka?
    • Haddii uu sheegaayo arin guud sida “habdhaqan fawdo ah” – codso in laga baxsho qeexitaan rasmi ah, oo gaar ah.
  • Ma sharxayaa inta jeer, goorta iyo meesha habdhaqanku ka dhacaayo?
    • Ma jirtaa xog dhawaan soo baxday oo muujinaysa inta jeer ee habdhaqanku dhacaayay?
    • Xogtu ma qeexaysaa inta jeer iyo goorta habdhaqanku ka dhacay goobta ama dugsiga hadda ee cunugaaga? (haddii goobta la badelay kadib markii FBA da la sameeyay, qiimayn cusub ayaa loo baahan karaa).
  • Ma tixgelinaysaa sababaha dhanka bii'ada?
    • Ma tixgelinayaa sida isbadellada ka jira fasalka, marinka, qolka qadada, jiimka ama xiliga nasiinadu u saamayn karaan habdhaqanka?
    • Ma tixgelinaysaa sida casharku – labadaba waxa la baro iyo sida loo baraba – u saamayn karaan habdhaqanka?
    • Ma tixgelinaysaa sida isdhexgalka uu la sameeyo ilmaha kale ama dadka waawayn ay u saameynayso habdhaqanka?
  • Ma muujinayaa xogta aad awooday inaad ka bixiso habdhaqanka cunugaaga, ayna ku jirto:
    • In/goorta/inta jeer ee habdhaqanku ka dhaco fasalka ama dugsiga ay sidoo kale ka dhacdo goobaha kale;
    • Waxa aad ka ogaatay waxa ay kula tahay inay kicinayaan habdhaqanka xunxun; iyo
    • Waxa aad ogaatay inay u muuqdaan kuwo looga guul gaari karo dejinta, tuusinta ama dhiiri gelinta cunugaaga.
  • Ma tixgelinaysaa xogta ku saabsan caafimaadka dhimirka ee cunugaaga? Ama xasuusta dhacdada xun, haddii ay jirto?
  • Ma ku jirtaa soojeedin ku aadan ujeedada habdhaqanka taasoo macno u samaynaysa xogta?

Tusaaleyaasha: Guud oo ka soo horjedda Habdhaqanka la taaban karo ama u gaarka ah

Tusaaleyaasha: Mid guud Tusaaleyaasha: Mid faahfaahsan, oo gaar ah
Habdhaqan dagaal ah Wax daqrid, qaniiyo, laadis, qandhuufo (naftiisa, dadka waawayn, ama ardayda kale)
Habdhaqan waxyeelo uu ugu gaysanaayo naftiisa Daqarka madaxa, faro qaniinid, isxoqid
Habdhaqan fawdo ah Buuq ka abuurista fasalka, qaylada, garaacista albaabka
Ka tagista casharka Seexashada, ku socoshada fasalka, tuurista ama daadinta waraaqaha, qalin beesilka

Checklist: What should I look for in a Behavior Intervention Plan (BIP)?

Liiska hubinta: Waxyaabaha laga eegaayo Qorshaha Caawimaada Habdhaqanka (BIP)

  • Ma qeexaysaa habdhaqan gaar ah oo kooxdu ay doonayaan inay ka shaqeeyaan yareynteeda?
  • Ma qeexaysaa habdhaqan gaar ah, oo haboon oo kale ama "badel" ah taasoo ay kooxdu doonayaan inay caawiyaan cunugaaga inuu barto kuna dhaqmo?
  • Ma u sharxayaa dadka waawayn ee la shaqaynaaya cunugaaga waxa ay samayn karaan si ay iskaga ilaaliyaan waxyaabaha kicinaaya habdhaqanka xun ee cunugaaga?
  • Ma qeexayaa calaamadaha diginiinta leh ee ka dhignaan kara in cunugaagu xanaaqaayo?
  • Ma u sharxayaa dadka waawayn ee la shaqaynaaya cunugaaga waxa ay samayn karaan si ay uga caawiyaan cunugaaga inuu badqab dareemo loona dejiyo xaalada haddii uu xanaaqo?
  • Ma qeexaysaa waxyaabaha cunugaagu jecel yahay oo loo adeegsan karo xoojinta iyo ku abaal marinta cunugaaga habdhaqanka wanaagsan?
  • Ma ku jiraa qorshe lagu uruurinaayo xog si loo eego sida caawimaaduhu ku shaqaynayaan?

Sample Letter: How do I request a Functional Behavior Assessment (FBA)?

Sanbalka Codsiga Qiimaynta Sababta Habdhaqanka (FBA)/Request for a Functional Behavior Assessment (FBA)

Taariikhda:/Date:

Maareeyaha Kiiska IEP/Macalinka Waxbarashada Gaarka ah ama Maamulaha Qaaliga ahoow/Dear IEP Case Manager/Special Education Teacher or Principal 

Ujeedo: Codsiga FBA/Re: Request for FBA

Waxaan codsanayaa in Qiimaynta Sababta Habdhaqanka (FBA) lagu sameeyo cunugayga./I am requesting a Functional Behavioral Assessment (FBA) for my child.[Ku dar magaca ilmaha oo dhamaystiran/Add child's full name]

Waxaan walaac ka qabaa in habdhaqanka cunugaygu uu carqalad ku yahay waxbarashadiisa. [Halkaan ku qor faahfaahin dheeri ah, tusaale: wax hormar ah kama uu samaynaayo higsiyada IEP-da ama waxay ka hor istaagaysaa inuu waqti badan ku qaato waxbarashada guud.]/I am concerned that my child’s behavior is interfering with their education. [Add more detail here, for example: they are not making progress on IEP goals or it is keeping them from spending more time in general education.]

Waxaan sidoo kale codsanayaa kulanka kooxda IEP da (ama kooxda 504) si looga doodo qorshe ku aadan FBA. [Halkaan ku cadee haddii ay jiraan dad gaar ah oo aad doonayso inay kulanka kasoo qaybgalaan. Tusaale: Waxaan doonayaa in dhakhtarka dhimirka ee dugsiga ama taqasuslaha habdhaqanka uu kasoo qaybgalo kulanka.]/I am also requesting an IEP team (or 504 team) meeting to discuss a plan for the FBA. [Make a note here if there are specific people you want to have at the meeting. For example: I would like the school psychologist or a district behavior specialist to attend the meeting.] 

Waxaan kulanka imaan karaa: _______________[taariikhaha/waqtiyada]./I can meet on: _______________[Add dates/times].

Waxaan sugayaa jawaabtaada./I look forward to your response. 

Daacadnimo,/Sincerely,

__________________________________

(Saxiixa)/(Signature)

Sample Letter: How do I request a review of a Behavioral Intervention Plan (BIP)?

Sanbalka Codsiga Dib u Eegista Qorshaha Caawimaada Habdhaqanka (BIP)/Sample Request for Review of a Behavioral Intervention Plan (BIP)

Taariikhda:/Date:

Maareeyaha Kiiska IEP/Macalinka Waxbarashada Gaarka ah ee Qaaliga ahoow/Dear IEP Case Manager/Special Education Teacher

Ujeedo: Codsiga Kulanka Dib U eegista Qorshaha Habdhaqanka Cunugayga/Re: Request for Meeting to Review My Child’s Behavior Plan

Waxaan codsanayaa kulanka kooxda IEP-da (ama kooxda 504) si dib u eegis loogu sameeyo Qorshaha Caawimaada Habdhaqanka Cunugayga (BIP)./I am requesting an IEP team (504 team) meeting to review my child’s Behavior Intervention Plan (BIP).

Kulanka, waxaan rajaynayaa inaan dib u eegis ku samayno xogtii ugu danbaysay ee habdhaqanka iyo inaan ka hadalno sida qorshuhu u shaqaynaayo./At the meeting, I hope we can review recent behavior data and talk about how the plan is working.

Ugu yaraan dhawr maalmood kahor kulanka, fadlan iisoo dir nuqullada xogta horey loosoo uruurshay (bilo/asbuuc/sanad) ee la xiriirta qorshaha habdhaqanka./At least a few days before the meeting, please send me copies of the data collected over the past (months/weeks/year) relating to the behavior plan. 

Waxaan kulanka imaan karaa: _______________[taariikhaha/waqtiyada]./I can meet on: __________ [dates/times].

Waxaan sugayaa jawaabtaada./I look forward to your response.

Daacadnimo,/Sincerely,

__________________________________

(Saxiixa)/(Signature)