SHAQADA / HIGSIGA

SHAQADA

Waxaan kala shaqaynaa qoysaska, bulshooyinka, iyo dugsiyada si wax looga qabto dhibaatooyinka si wadajir ah si markaas arday kasta uu si buuxda uga qaybgalo uuna hormar ugu sameeyo dugsiga dadwaynaha ee K-12 ee Washingtong.

HIGSIGA

Waxaan higsanaynaa nidaamka waxbarashada dadwaynaha oo meesha ka saaraaya isir nacaybka, xoog sheegashada, iyo takoorada kale si loo taageero himilooyinka ardayda kasta ee mustaqbalka.

Waxaan qadarinaa madax banaanideena, mabaadii'deena kahortaga isir nacaybka, iyo u gurmashada bulshooyinka. Waxaan wax ka baran doonaa koox ahaan qoysaska, ardayda, iyo bulshooyinka waxaana kor u qaadi doonaa higsigaan.

Si aad u fahanto sida aan ula imaano himiladeena iyo himiladeena nolosha shaqadeena, fadlan aqri qorshaheena istiraatiijiga ah ee 2020-2023, oo laga helay halkan.

Si aad u codsato dukumeentigan, ama dukumintiyada kale ee OEO, oo qaab kale ah ama luqad kale ah, fadlan email noogu soo dir oeoinfo@gov.wa.gov ama naga soo wac: 1-866-297-2597.