Soo xaadirida iyo Daahida

Xaadirida, Kamaqnaanshaha iyo Kasoo Daahida Dugsiga. 

Sharci kajira gobalka Washington, oo layiraahdo “Becca Bill (Sharciga Becca),” ayaa qasab uga dhigaaya dhamaan caruurta udhaxaysa da'da 8 iyo 18 sano jirada inay u dhigtaan si joogto ah dugsi. Sharcigu wuxuu kadoonayaa waalidiinta ama masuuliyiinta sharciga ah inay xaqiijiyaan in caruurtu xaadiraan dugsiga si joogto ah. Ardaydu waxay dhigan karaan dugsiyada dawlada, kuwa gaar looleeyahay ama dugsiyada guriga lagu baro. Sharciga ayaa kadoonaaya in ardaydu ay dhigtaan dugsi, si buuxda, maalin kasta, ilaa inay jirto maahee marmarsiiyo la aqbali karoHaddii arday uu dugsiga uganbiyo bilaa sabab macquul ah, arday waxaa loo aqoonsan karaa mid “goo-goys ah.” Marka ardaygu yahay mid goo-goys ah, dugsiyada waxaa laga doonayaa inay:

  • Ogaysiiyaan qoyska;
  • Ay lakulmaan ayna kala shaqeeyaan qoyska iyo ardayga raadinta sabab, iyo
  • Inay iskudayaan xeelado kaladuwan si looga caawiyo in ardaygu hagaajiyo xaadiristiisa.

Haddii aan arintaasi shaqayn, ardayga iyo qoyska waxaa loo gudbin karaa Gudiga Goo-goysnimada ee Bulshada ama maxkamad. Haddii ardaygu uu wax badan uganbiyo dugsiga, xataa markuu haysto marmarsiiyo la aqbali karo, sharciga ayaa hadda kadoonaaya dugsiyada inay lakulmaan ayna kala shaqeeyaan walaidka sababta uu umaqnaado, ayna dajiyaan qorshe looga cawinaayo ardayga inuu dugsiga si joogto ah uyimaado.  Taas waxaa sabab u ah in uganbinta dugsigu ay tahay wax culus ama “maqnaansho daran” uu ku adkayn karo ardayga inuu dugsiga sii wato. Waxay sidoo kale noqon kartaa astaan muujinaysa in ardaygu uusan helayn taageerooyinkii uu ubaahnaa. Markaan kahadlayno uganbinta dugsiga, “wax badan” waxay umuuqan kartaa “wax yar” – ganbintu xataa kaliya 2 maalmood bishii way iskubiiri kartaa si ay u abuurto saamayn wayn! 

Haddii inaad cunugaaga gayso dugsiga maalin kasta ay kugu noqotay wax dhib badan, dugsigaaga ayaa kaacaawin kara kala fududaynta culaysyada kana caawin kara cunugaaga inuu yeesho dabeecad cusub oo uu dugsiga kutago maalin kasta, maalintii oo dhan, iyo markasta. Kafiiri DAQ da OEO da si aad uhesho waxa dhici kara hadii arday uu sii wado inuu dugsiga uganbiyo, iyo fikrado laxariira sida aad cunugaaga ugusoo celin karto inuu dugsiga si joogto ah uxaadiro. Haddii aad ubaahan tahay in caawimaad dheeri ah lagaa siiyo xalinta xaadirista, fadlan wac! Booqo webseetkeena oo ah www.oeo.wa.gov, ama wac 1-866-297-2597.

Muxuu sharcigu kadoonayaa Dugsiyada?

  • usheeg waalidiinta xeerarka xaadirista oo hel saxiixa si aad uhubiso inay akhriyeen ogaysiiska
  • usheeg waalidiinta markasta uu arday ganbiyo,
  • lakulan waalidiinta iyo ardayda si aad u ogaato sababta
  • iskuday xeelo kaladuwan si aad ukordhiso xaadirista, iyo mararka qaar,
  • ugudbi ardayga iyo/ama waalidka Gudiga Bulshada ee Googaysnimada ama maxkamad.

Muxuu sharcigu kadoonayaa Ardayda?

  • inay dugsiga joogaan,
  • xiliga saxda ah,
  • maalin kasta, ilaa in ay haystaan maahee sabab macquul ah.