What if the school says “No” to my request for an FBA?

Ka waran haddii dugsigu "diido" codsigayga FBA?

Haddii jawaabta koobaad ee laga baxsho codsiga FBA ay tahay "maya," iskuday inaad codsato kulan looga hadlaayo arinta. Inta kulanka lagu jiro, u diyaar garoow inaad sheegto sababaha aad u codsanayso FBA, aadna dhageysato si aad u fahanto sababta dugsiga ama xubnaha kale ee kooxdu u aaminsan yihiin in FBA aan loo baahnayn.

Kahor kulanka, ka codso dugsiga inay uruuriyaan xog si ay kuula wadaagaan xog cusub oo ku saabsan habdhaqankii ugu danbeeyay ee cunugaaga.

  • Haddii cunugaaga fasalka looga saaray habdhaqanka, ka codso kooxda inay la socdaan xili kasta oo ardayga fasalka laga saaray, sababta looga saaray iyo mudada ay socotay;
  • Haddii aad walaac ka qabto in cunugaagu uu ka dhuumanaayo shaqada, codso haddii macalin ama xubin kale oo kooxda kamid ah uu xog ama qodobo dadban ka qori karo uuna soo sheego inta jeer, mudada uu cunugaagu u muuqdo mid diidan ama ka mashquulsan casharka.

Kadib marka aad hesho xog dheeraad ah, haddii ay u muuqato in habdhaqankaan xiriirka ah uu carqalad ku yahay waxbarashada cunugaaga, waxaad ka codsan kartaa kooxda inay tixgeliyaan codsiga FBA markale. Haddii aan dugsigu u jeedin habdhaqan carqalad abuuraaya, ama uu aaminsan yahay inay jiraan caawimaado dheeri ah oo ay marka hore tijaabin karaan, codso inay muddo qabtaan si markale la iskugu yimaado si dib loogu eego sida xaaladuhu yihiin. Samayso xusuusin si aad markale u hubiso xaalada bil kadib ama labo bilood si loo eego sida xaaladuhu yihiin.

Haddii cunugaagu leeyahay IEP, kooxda ayaa fursad u haysata inay ka doodaan ayna gaaraan go'aan, xaqiiji in Ogeysiiska Hore ee Qoran (PWN) uu sheegaayo go'aanka iyo sababaha loo cuskaday.

Haddii aadan wali waafaqsanayn go'aanka, aadna dooneyso inaad fahanto dookhyada xalinta khilaafka ee ardayda hesha ama u qalanta adeegyada waxbarashada gaarka ah, akhri Tusmada Waalidka ee OEO ee ku aadan Difaaca Xuquuqda Waxbarashada ee Ardayda qaba Naafada oo Dhigta Dugsiyada Dawlada, ama Galkeena Ogeysiiska Hore ee Qoran.