إمكانية الوصول للغة - الترجمة الفورية وعمليات الترجمة الأخرى

Adeegyada Helitaanka ee OEO ga oo leh Fasiraad ama Turjumaad 

  • Codso Fasiraad Marka aad Wacdo

OEO waxay adeegsataa adeegga fasiraada khadka taleefanka. Wac 1-866-297-2597 kadibna codso turjumaan adoo sheegaaya magaca luuqada aad kuhadasho.

  • Hel Koobiyada turjuman ee Lashaqaynta OEO (Macluumaad kooban oo laxariira sida aan ushaqayno), iyo foomamka ogolaanshaha OEO ee laxariirida Dugsiyada Halkaan: 
  • Codso turjumaad ama fasiraad laguugu sameeyo dukumintiyada OEO adoo wacaaya 1-866-297-2597 ama iimeel noogusoo diraaya oeoinfo@gov.wa.gov 

Helitaanka Luuqada iyo Ilaha Macluumaadka ee Qoysaska

Waalidiintu waxay xaq uleeyihiin inay helaan macluumaad kayimaada dugsiga oo kuqoran luuqad ay fahmayaan.  Degmada dugsigu waa inay adeegyada fasiraada iyo/ama turjumaada siisaa, marka loobaahdo, si ay ula xariirto waalidiinta aan aqoon badan ulahayn Ingiriiska (ayna kujiraan waalidiinta ay kuyartahay aqoonta kuhadalka, dhagaysiga, akhriska ama qorista luuqada Ingiriiska) Ka akhri macluumaad dheeri ah oo kusaabsan Xaquuqda Waalidiinta aan Aqoonta Fiican Ulahayn Ingiriiska (LEP) iyo waajibaadka kasaaran degmada dugsiiga arintaan webseetka Macluumaadka ardayda Ingiriiska dhigta ee Department of Education's Office for Civil Rights (Xafiiska Xaquuqda Madaniga ah uqaabilsan Waaxda Waxbarashada), halkaan: here (Xaashida Macluumaadka Waalidiinta Aan Aadka u Aqoon Ingiriiska iyo Dugsiyada iyo Degmooyinka Dugsiga ee Xariirka lasameeya waalidiintaas oo lagusoo daabacay luuqado kaladuwan, ayna kujiraan Cambodian, Chinese, Hmong, Korean, Laotian, Russian, Isbaanish, Tagalog iyo Vietnamese.) Tilmaamo kooban oo loogu Talagalay Waalidiinta/Qoysaska: Haddii aad ubaahan tahay fasiraad ama turjumaad si aad ufahanto macluumaad kaaga yimid dugsiga cunugaaga ama aad laxariirto dugsiga cunugaaga: 

-Codso turjumaan adoo tagaaya xafiiska hore ee dugsigaaga, ama waydii hadii qofka shaqaalaha ah u kuu keeni karo turjumaan taleefanka wax kaaga fasirada adoo adeegsanaaya "laynka luuqada";

-Wac nambarka taleefanka dhexe ee dugsiga kana codso turjumaan;

-Dir iimeel kooban (oo kuqoran af Ingiriis ama luuqadaada hooyo) oo aad codsanayso in qof kusoo waco, asagoo wata turjumaan, si laguugu qorsheeyo kulan laxariira su'aal ama walaac aad qabto.

Iimeel tusaale ah udir si aad ucodsato turjumaan:

Dear Teacher (or Principal, Counselor, Nurse):  Macalinka Qaaliga ahoow (ama Maamulaha, Lataliyaha, Kalkaalisada):

My name is ____.   Magacaygu waa ____.

I am the parent of ____.   Waxaan ahay waalidka ____.

I want to talk with you about my child. Waxaan doonayaa inaan cunugayga kaala hadlo. 

Can you please call me with an interpreter? Fadlan waad isoo wici kartaa adoo uu tujumaan kula joogo? 

My phone number is: ____. Nambarka taleefankaygu waa: ____.

Thank you.  Mahadsanid.

-Haddii laguusoo diro ogaysiis qoran, iimeel, ama dukumiinti kale oo kuqoran af Ingiriis aadana fahmayn qoraalka, usheeg qofka kuusoo diray inuu kuugusoo turjumo qoraalka luuqadaada.

 -Haddii aan qofku kusiin karin qoraalka oo si buuxda uturjuman xiligaad ubaahantahay, codso inaad lakulanto shaqaalaha dugsiga iyo qof turjumaan ah si dukumiintiga hadal ahaan laguugu fasiro, ayadoo lagu siinaayo waqti aad xasuusinta qoraalka kuqoran karto.

Communicating-with-Schools_Language-Access-Trifold-Multilanguage.pdf ama OEO's  Kaarka Taageerada Fasiraada

Haddii aad su'aalo qabto, ama aad ubaahan tahay in lagaa caawiyo helitanaka fasiraad ama turjumaan, iskuna daydo inaad laxariirto:

-Maamulaha Dugsiga Cunugaaga;

-Agaasimaha Dugsiga Degmadaada ee Adeegyada Luuqada Ingiriiska (ELL); ama

-Agaasimaha Sinaanta ee Dugsiga Degmadaada.

Haddii aad ubaahantahay caawimaad, fadlan kawac OEO nambarka 1-866-267-2597. Fasriraada khadka taleefanka ayaa laheli karaa.

Language Access Resources for School Districts

Find information and resources at OSPI's Equity & Civil Rights Interpretation and Translation Services page, including:

  • Civil rights laws that require school districts to communicate with parents in a language they can understand;
  • Fact sheets on Parents' Rights re Interpretation and Translation Services translated into 21 different languages;
  • Multi-language poster informing families how to request interpretation or translation;
  • Link to WSSDA Language Access Policy and Procedure;
  • Details for setting up a telephone interpreter service and/or written translation services via the state contract;
  • Links to online training for interpreters, and school staff who work with interpreters.

http://www.k12.wa.us/Equity/Interpretation.aspx You can also check out OEO's handout on Communicating with Families Using an Interpreter.