Hel Caawimaadeena

 Black and White Icon of electronic device sending message. Created by Priyanka from Noun ProjectOonleen ahaan – Waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad adeegsato Hanaankeena Isqorista Oonleenka ah.  Waxaad ubaahanaysaa inaad samaysato ciwaan adoo adeegsanaaya magacaaga iyo ciwaanka iimeelka oo shaqaynaaya.  Kadib markaad furato ciwaanka aadna dhamayso hanaanka isqorista oonleenka ah, qof ayaa kulasoo xariiraaya sida ugu dhakhsiyaha badan si uu macluumaad kuusiiyo ama jadwal kuugu sameeyo balantaada.  Isqoristeena oonleenka ah waa mid furan markasta, laakiin qof ayaa intaas kadib kulasoo xariiraaya inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah.

Foomamka Ogolaanshaha

Maalmaha Isniinta 8:00 a.m. – 6:00 p.m.

Maalmaha Tallaadada 8:00 a.m. – 4:00 p.m.

Maalmaha Arbacada 8:00 a.m. – 4:00 p.m.

Maalmaha Khamiista 8:00 a.m. – 6:00 p.m.

Maalmaha Jimcada 8:00 a.m. – 6:00 p.m.

Calendar by ghufronagustian from NounProject.comMudayso Ballanta Isqorista - Waqtiga balanta si khabiirka diiwaan gelintu kuusoo waco, kaaga qaado xogta muhiimka ah, uuna kaagala tashado su'aashaada ama xaaladaada.  Taas badelkeed, waxaad buuxin kartaa xogta lagaa rabo markaad waqti u hesho adoo adeegsanaaya Hanaanka Isqorista ee Oonleenka ah.

Black and white icon of mobile phone making a call. Created by Thays Malcher from Noun Project.Khadka taleefanka – Haddii aad doonayso inaad qof toos ula hadasho, ama aad rabto in lagaa caawiyo buuxinta isqoristaada oonleenka ah, fadlan nagasoo wac laynkeena bilaashka ah oo ah 1-866-297-2597 inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah. Shaqaalaheena ayaa khadka taleefanka kuturjumi kara wax kabadan 150 luuqadood.

Black and white icon of envelope with two papers inside. The first paper has the "at" email icon. The second paper has lines for writing a letter. Created by Anang Taufik from Noun Project.Fakiska ama Boostada – Soo dagso Foomka Codsiga Adeegyada Lataliyaha Waxbarashada kadibna kusoo dir foomka aad buuxisay fakiska, boostada ama iimeelka (macluumaadka lagala xariiraayo waxay kuqoran yihiin foomka) una dir OEO. Fax: 1-844-886-5196.

Nalasoo xariir si aad wax uga ogaato:

  • Su'aal ama walaac saamayn kuleh ardaya dugsiyada dawlada ee K-12 oo Washington kuyaala dhigta
  • Codsiga tababarada ama iskuxirka bulshadaada, dugsigaaga ama goobtaada shaqada

Fadlan nala soo xiriir khadka tooska ah, ama taleefan, fakis, ama boosto. Fadlan ogow in xafiisku leeyahay shaqaale iyo maalgelin xadidan isla markaana mudnaanta siisa shaqadiisa iyadoo loo eegayo shuruudaha istiraatiijiyadeed ee qorshaha / Qorshaha Istaraatiijiyada

Xalinta Dadban ee Khilaafka


OEO (Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Washington uqaabilsan Fududaynta Waxbarashada) wuxuu caawiyaa qof kasta oo su'aalo ama walaacyo ka qaba dugsiyada dadwaynaha ee K-12 ee Washington. Waxaan ku siin karnaa xog, tixraacyo, agabka macluumaadka, iyo ilaha kale ee xogta.

Shaqada sharci ee OEO waa in la yareeyo dul-duleelada ka jira fursadaha. Qorshaheena istaraatiijiyada ayaa muhiimada siinaaya adkaynta cadaalada waxbarashada, gaar ahaana bulshooyinka saamaynta ugu badan uu ku reebay COVID-19. Waxaan diirada saaraynaa ilahaeena kooban ee xalinta khilaafaadka, sida dhexdhexaadinta dadban iyo tababarka, ee ardayda fasalada K-12 ee:

  • Ka maqan dugsiga, ayna ku jiraan ardayda naafada ah ee maalmaha gaarka ah barta dugsiga
  • Dadka aan cadaanka ahayn, Madoowga, ama dadka reer guriga ah 
  • Dadka hooy la'aanta ah
  • Ardayda ku jira daryeelka dad ehel ah ama dad aan dhalin 
  • Dhalinta ku jirta cadaalada carruurta ama nidaamyada dhaqan celinta dhalinta
  • Soo galootiga, qaxootiga, magangalyo doonka, ama muhaajiriinta, ama ardayda ama qoysaska luuqadooda koobaad aysan Ingiriiska aheyn, ama
  • Ardayda hela taageerooyinka Wraparound with Intensive Services (WISe, Barnaamijka Adeegyada Waawayn) ama Children’s Long Term Inpatient Programs (CLIP, Barnaamijyada Bukaan Jiifka Muddada dheer ee Carruurta)

Si aan kaaga caawino su'aal ama walaac

Nagulasoo xariir oonleen ahaan, taleefanka, fakiska ama iimeelka.

Fadlan ogsoonoow in OEO ay ushaqeeyaan shaqaale kooban iyo miisaaniyad kooban waxayna muhiimada siiyaan shaqadeeda si waafaqsan shuruudaha qorshaheeda istaraatiijiyada.

  • Oonleen ahaan – Waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad adeegsato Hanaankeena Isqorista Oonleenka ah.  Waxaad ubaahanaysaa inaad samaysato ciwaan adoo adeegsanaaya magacaaga iyo ciwaanka iimeelka oo shaqaynaaya.  Kadib markaad furato ciwaanka aadna dhamayso hanaanka isqorista oonleenka ah, qof ayaa kulasoo xariiraaya sida ugu dhakhsiyaha badan si uu macluumaad kuusiiyo ama jadwal kuugu sameeyo balantaada.  Isqoristeena oonleenka ah waa mid furan markasta, laakiin qof ayaa intaas kadib kulasoo xariiraaya inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah.
  • Khadka taleefanka – Haddii aad doonayso inaad qof toos ula hadasho, ama aad rabto in lagaa caawiyo buuxinta isqoristaada oonleenka ah, fadlan nagasoo wac laynkeena bilaashka ah oo ah 1-866-297-2597 inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah. Shaqaalaheena ayaa khadka taleefanka kuturjumi kara wax kabadan 150 luuqadood. 
  • Fakiska ama Boostada – Soo dagso Foomka Codsiga Adeegyada Lataliyaha Waxbarashada kadibna kusoo dir foomka aad buuxisay fakiska, boostada ama iimeelka (macluumaadka lagala xariiraayo waxay kuqoran yihiin foomka) una dir OEO.

Haddii aad lashaqayso Lataliyaha Waxbarashada, aadna doonayso inaad OEO siiso ogolaansho ay si toos ah xaalada ardayga ugala hadlaan dugsiga iyo shaqaalaha degmada, sida kuhaboon, fadlan soodagso, buuxi oo kuceli foomka Ogolaanshaha Laxariirista Dugsiga.

Haddii aad lashaqayso Lataliyaha Waxbarashada, waxaan ubaahan karnaa inaan fiirino diiwaanada ardaygaaga si aan fahan buuxa uga qaadano walaacyada jira.  Haddii aan ubaahano inaan sidaas yeelno, waxaan intaas kadib kaacodsanaynaa inaad noo ogolaato in dugsigu nasiiyo diiwaanada.  Waxaan foomkaan u adeegsanaa faafinteena diiwaanada:  Permission to Release Student Records (Ogolaanshaha Laxariira Soo bandhigida Diiwaanada Ardayda).

Waxaad foomamkaan kugudbin kartaa Hanaanka Isqorista Oonleenka ah, fakis ahaan, boostada ama iimeelka.

Waxaan sidoo kale hagi karnaa macalimiinta iyo udoodayaasha bulshada dhinacyada taageerista ardayda iyo xalinta rabshadaha.  

Fadlan iimeel udir oeoinfo@gov.wa.gov ama wac 1-866-297-2597 si aad caawimaad uhesho.  Xubanaha kooxdeenu waxay markasta kajawaabi karaan su'aasha adoo ugusoo diraaya iimeelka ama wicitaan kooban. Xafiiskeena wuxuu kushaqeeyaa qaab wadajir ah, Sinaan leh, Kalsooni leh, iyo cadaalad si aan qoysaska iyo dugsiyada uga caawino xalinta rabshadaha.

Maxay tahay inaad naga ogaato?

Dukumiintigaan gaaban wuxuu sharaxayaa sida aan Ula shaqaynayno Qoysaska  Waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad akhrido si aad ufahanto waxa aan awoodno iyo waxa aanaan awoodin inaan kaacaawino.

Dukumiintiyadaan waxay sharaxayaan sida aan utaageeri karno macalimiinta iyo khubarada bulshada.

Macalimiinta (tusalaayaal ayaa lasocda): Lashaqaynta Macalimiinta – Oo Tusaalayaal Wadata 

Macalimiinta (qaybta kooban): Lashaqaynta Macalimiinta – Qayb Kooban 

Iskaashatada Bulshada: Lashaqaynta Iskaashatada Bulshada