FBAs and Discipline - When Is an FBA Required?

FBA-yada iyo Anshaxa - Goorma ayuu FBA Qasab yahay?

FBA ayaa mararka qaar qasab u noqon kara ardayda leh qorshaha IEP (Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah), haddii ardayga laga hakiyo ama laga cayrsho dugsiga wax ka badan 10 maalmoo oo kuwa dugsiga la dhigto ah. Si gaar ah, dugsi ayaa laga doonayaa inuu sameeyo FBA uuna u abuuro BIP arday kasta oo leh IEP haddii:

  • ardayga laga hakiyo ama laga cayriyo dugsiga; iyo
  • hakinta ama cayrintu ay soconayso wax ka badan 10 maalmood; iyo
  • marka ay go'aaminayaan sababta keentay, xubnaha IEP da ardayga, ayna ku jiraan waalidiinta, ay go'aanshaan in habdhaqanka keenay hakinta ama cayrinta uu ahaa mid "ka dhashay" naafada – taasoo ka dhigan, in uu ka dhashay ama uu xiriir toos ah oo wayn la leeyahay naafada cunuga.

Arintaan ayaa sidoo kale qabanaysa haddii ardayga laga hakiyay ama laga cayriyay dugsiga marar badan muddooyin kooban (wax kayar 10 maalmood), laakiin hakinno ama cayrino badan ay abuureen taxane marka la iskudaro ka badan 10 maalmood.

Haddii habdhaqanka ardayga la go'aansho inaysan ka dhalan naafada, xeerarka ayaa ku talinaaya in kooxdu samayso FBA ayna abuurto BIP si looga fogaado in habdhaqanno tan lamid ah markale dhacaan.

Waxaad ka helaysaa faahfaahinta shuruudaha FBA-yada ardayda leh IEP-yada ee sharciyada waxbarashada gaarka ah, xeerka WAC Cutubka 392-172A, oo oonlayn ahaan looga heli karo: https://apps.leg.wa.gov/wac/default.aspx?cite=392-172a&full=true.

Si aad u akhrido xog dheeri ah oo ku saabsan shuruudaha anshaxa ardayda leh qorshaha IEP-da, ama buuxshay shuruudaha IEP laakiin aan wali qiimayn lagu samayn, booqo Tusmada Waalidka ee OEO ee ku aadan Difaaca Xuquuqda Waxbarashada ee Ardayda qaba Naafada oo Dhigta Dugsiyada Dawlada OEO’s Parent Guide on Protecting the Educational Rights of Students with Disabilities in Public Schools iyo Galka Caawimaada Farsamada ee OSPI oo Tirsigiisu yahay. 2 (TAP 2) Technical Assistance Paper No. 2 (TAP 2).