Diiwaangalinta Dugsiga

Dhammaan carruurta ku nool Gobolka Washington waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarashada dadweynaha

Carruurta waxay dugsiga barbaarinta ku bilaabi karaan da'da 5 sano waxayna sii wadan karaan iskuulka ilaa ay ka qalin jabiyaan ama ay ka gaaraan 21 sano.

Waxay ku bilaabataa diiwaangelinta (ama isqorista). Su'aalaha nalaga soo waydiiyo diiwaangelinta dugsiga waxaa kamid ah:

  • Waa maxay macluumaadka ama dukumiintiga looga baahan yahay diiwaangelinta?
  • Yaa diiwaangelin kara arday?
  • Halkee ayaa ardayga laga diiwaangelin karaa, ama dugsigee ayey qoysku dooran karaan?   

Kudhufo su'aalaha hoose.

Waa maxay macluumaadka ama dukumiintiga guud ahaan looga baahan yahay diiwaangelinta?

Si arday looga diiwaangeliyo dugsiga, dugsiyadu waxay guud ahaan dalbadaan dukumiintiyada si ay:

  • U xaqiijiyaan ciwaanka meesha aad daggan tahay;
  • U hubiyaan da'da uu jiro canugaada (gaar ahaan diiwaangelinta dugsiga barbaarinta ubadka); iyo
  • U muujiyaan in canugaagu qaatay tallaaladi loo baahnaa.

Dugsiyada inta badan waxay bixiyaan liiska tusaalooyinka noocyada dukumiintiyada aad u isticmaali karto diiwaangelinta. Haddii aadan haysan dukumiintiyo gaar ah oo uu iskuulku guud ahaan ubaahan yahay (sida koobiga biilasha, ama waraaqda dhalashada ee canugaada), kala hadal xaaladaada xafiiska diiwaangelinta iskuulka.

Waxyaabaha Baddalka u ah Waraaqaha Dhalashada/Baasaboorada: Dugsiyadu waa inay aqbalaan waxyaabaha baddalka u ah waraaqaha dhalashada oo muujinaya da'da canuga ama taariikhda dhalashada. Dugsiga kuma adkeysan karo helitaanka waraaqda dhalashada ama baasaboor haddii aadan midna hayn. Waxyaabaha kale ee badelka u noqon kara waxaa kamid ah diiwaanka korsashada, qoraalka dhakhtar la aqoonsan yahay, ama diiwaanka tallaalka oo uu ku qoran yahay taariikhda dhalashada.

Caddeynta Deggenaanshaha: Guud ahaan dugsiyadu waxay ku weydiinayaan caddeynta meesha aad ku nooshahay si ay u hubiyaan in canugaagu daggan yahay degmada. Haseyeeshee, haddii aadan hadda haysan meel joogto ah oo aad ku noolaato (haddii aad wajahayso guri la'aan), dugsigu kaagama baahnaan karo dukumiintiyada kahor diiwaangelinta cunugaaga.Haddii ay tani ku khuseyso ama ay khuseyso ilmo aad daryeesho, weydii xafiiska dugsiga ama degmada inay kala hadlaan “McKinney Vento Liaison (Xiriiriyaha Kaalmada Hoy' La'aanta)” ee dugsiga degmada.

Xusuusnoow, dhammaan carruurta ku nool Gobolka Washington waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarashada dadweynaha. Haddii aad rabto inaad ubadkaaga ka diiwaangeliso dugsi, laakiin aadan haysan dukumiintiyada inta badan uu dugsigu ubaahan yahay, fadlan caawimaad weydiiso.

Waxaad caawimaad ka weydiisan kartaa dugsiga ama xafiiska kuyaala degmada dugsiga. Waxaad sidoo kale xafiiskeena kala soo xiriiri kartaa 1-866-297-2597 ama waxaad booqan kartaa boggeena loo yaqaano Hel Caawimaadeena si aad noogala soo xidhiidho nidaamkeena qaadashada oonleenka barta: https://services.oeo.wa.gov/oeo.

Yaa diiwaangelin kara arday?

Gudaha Gobolka Washington, dadka ilmaha ka diiwaangelin kara dugsiga waxaa kamid ah:

  • Waalidiinta ama Masuuliyiinta Sharciga ah ee Ilmaha
  • Qofka matalaya waalidka marka uu waalidka ama qofka masuulka ka ah ilmaha maqan yahay. Tan waxaa ka mid noqon kara:
      • Qof qaraabo ah oo siinaya “Daryeel Ehelnimo”,
      • Waalidka Korsada ee aan dhalin, ama
      • Daryeele haya doorkii waalidka.
  • Dhalinyarada Iskooda. Qofka da'da yar oo aan la nooleyn waalid, oo aana haysan goob cayiman, joogto ah ama kufilan oo uu ku noolaado, ayaa heli kara caawinta diiwaangelinta iskooda ah oo ah “Dhalinyaro Hoy' La'aan ah Oo Aan Lala Socon.” Codso inaad la hadasho McKinney Vento Liaison haddii aad adiga iswado, ama aad caawineyso qof da' yar oo iskiisa isku wado in laga diiwaangeliyo dugsiga.

Marka loo eego Family Educational Rights and Privacy Act (FERPA, Xeerka Xuquuqda Waxbarashada Qoyska iyo Asturnaanta Xogta), sharciga federaalka ee kusaabsan diiwaanada waxbarashada, “waalid” “waxaa kamid ah waalidka dhabta ah, qofka masuulka ka ah, ama shakhsi u taagan waalid marka uu maqan yahay waalidka ama qofka masuulka ka ah.” (Waxaad ka akhrisan kartaa waxbadan oo kusaabsan FERPA, webseedka U.S. Department of Education (Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka) barta: https://www2.ed.gov/policy/gen/guid/fpco/ferpa/index.html.

Marka uu cunugu ku jiro daryeelka ilmo korinta, wuxuu waalidku noqon karaa dadka badan ee ku lugta leh ka caawinta go'aan gaarista kusaabsan waxbarashadiisa. Foomka Oggolaanshaha Daryeelaha wuxuu badanaa sheegi doonaa qofka ilmaha u sameyn kara go'aanada waxbarasho, oo uu kujiro diiwaangelinta canuga ee iskuulka. Si aad macluumaad dheeraad ah u hesho waxaad ka eegtaa Guide to Supporting Students in Foster Care (Hagaha Taageeridda Ardayda Kujirta Daryeelka Korrinta Carruurta), laga heli karo Treehouse for Kids (www.treehouseforkids.org), oo kasocda Foster Care Program (Barnaamijka Daryeelka Korinta Carruurta) ee Office of Superintendent of Public Instruction (OSPI, Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waxbarashada) (https://www.k12.wa.us/student-success/access-opportunity-education/foster-care), iyo lifaaqaan tooska ah: https://www.treehouseforkids.org/wp-content/uploads/2018/01/treehouse2017final2ndedinteractive.pdf.

Halkee ayaa ardayga laga diiwaangelin karaa iskuulka?  

Dugsiga Kuyaala Degmada uu Deggan Yahay

Dhammaan ardaydu waxa ay xaq u leeyihiin inay waxbarashada kahelaan degmada uu inta badan ardaygu ku nool yahay. Kani waa “dugsiga kuyaala degmada uu daggan yahay.” 

Meesha uu ardaygu daggan yahay waxaa laga yaabaa inaysan noqon meesha uu waalidkiisa ku nool yahay.

Xeerka Gobolka Washington ee qeexaya degenaanshaha goobta ee ardayga wuxuu ku yaalaa Washington Administrative Code (Xeerka Maamulka Washington), oo ah “WAC” ee WAC 392-137-115, kaas oo aad oonleenka kaheli karto barta: https://apps.leg.wa.gov/WAC/default.aspx?cite=392-137-115. Waxa uu ku sharaxayaa meesha uu ardaygu daggan yahay inay tahay meesha uu ardaygu inta badan uu joogo.

Ka qorista Dugsiyada Kuyaala Magaalada Dhexdeeda

Guud ahaan, degmo dugsiyeed kasta waxay go'aansan kartaa sida loogu kala meeleynayo ardayda iskuulada kala duwan ee kuyaala degmada dhexdeeda.

Degmo dugsiyeedyada badankoodu waxay ardayda ka qoraan dugsiga ugu dhaw meesha ay ku nool yihiin, badanaa loo yaqaano“goobta kaqeybgalka” ama dugsiga deegaanka. Haddii dugsiyada deegaanka ay buux dhaafaan, degmo dugsiyeedka waxay ardayda ku meeleyn kartaa dugsiyada kale ee kuyaala degmada.

Degmo dugsiyeedyo waaweyn oo badan waxay sidoo kale leeyihiin muddada “diiwaangelinta furan” markaas oo qoysasku ay codsan karaan dugsiyada ay door bidayaan. Waxay badanaa udhawdahay bilowga kalendarka sanadka ilaa horraanta gu'ga. Ka raadso degmadaada macluumaadka kusaabsan xulashooyinka diiwaangelinta dugsiga.

Marka ardayga laga qoro dugsi gaar ah, degmooyinka qaarkood kaliya waxay oggol yihiin u badalashada dugsi kale haddii ay jirto xaalad dhibaato ah ama sabab lamid ah. Qaar kale waxay oggolaadaan ubadalashada dugsiga haddii uu jiro boos ka bannaan. Weydii siyaasadaha iyo habraacyada u dagsan degmadaada si aad waxbadan ooga ogaatid fursadaha xulashooyinka kajira degmada dhexdeeda.

Xasuusnoow, canug kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu waxbarashada kahelo degmada uu ku nool yahay. Haddii aad caqabado kala kulmeyso diiwaangelinta, waxaad xafiiskeena kala soo xiriiri kartaa 1-866-297-2597, iimeel waxaad ugu diri kartaa oeoinfo@gov.wa.gov, ama nidaamkeena qaadashada oonleenka barta: https://services.oeo.wa.gov/oeo

Dugsigi Hore – Daryeelka Korinta Carruurta ama Dadka Hoy' La'aanta ah

Carruurta ay haysato hoy la'aanta iyo carruurta kujirta daryeelka korinta carruurta waxay dugsiga kadhigan karaan meesha ay hadda joogaan, ama, waxay heli karaan in laga caawiyo inay joogaan “Dugsigoodi Hore,” xitaa haddii ay noqoto inay goob kale u guuraan. 

Sharciga siinaya ilaalinta iyo taageerooyinka ardayda ay haysato hoy' la'aanta waxaa loo yaqaanaa “McKinney Vento Act (Xeerka Kaalmada Hoy' La'aanta),” waxayna degmo dugsiyeed kasta leedahay McKinney Vento Liaison si uu ooga caawiyo qoysaska iyo ardayda ay lasoo deristo hoy' la'aanta. Taasi waxaa kujiri kara ardayda iyo qoysaska dulsaarka ku noqonaya asxaabta iyo qaraabada sababtoo ah ma haystaan meel ay iyagu leeyihiin. Haddii ay jirto fursad adiga ama cunugaaga aad kugu qalmi kartaan taageerada kaalmada hoy' la'aanta, oo uu kujiro joogitaanka Dugsigi hore, fadlan codso inaad kala hadasho “McKinney Vento Liaison.” ee degmo dugsiyeedkaaga. Waxaad sidoo kale ka hubin kartaa macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan Taageerooyinka loogu talagalay Ardayda Wajahaaya Hoy' la'aanta oo kujira webseedkeena.

Sharciga waxbarashada federaalka loo yaqaano “ESSA,” (the Every Student Succeeds Act (Xeerka Arday Kasta oo Guuleysta), waxa uu dhawaan kusoo daray qeyb lagu siinayo dugsigi hore, gaadiid iyo ilaalinta diiwaangelinta degdeg ah oo lasiinayo carruurta kujirta daryeelka ilmaha. Haddii aad xannaaneyneyso cunug kujira daryeelka korinta carruurta, kacodso inaad kala hadasho “Foster Care Liaison (Xiriiriyaha Daryeelka Korinta Carruurta)” ee degmadaada si aad u aragto sida ay kaaga caawin karaan inaad taageerto waxbarashada ilmahaada.

Ka akhri macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan ilaalinta iyo taageerada loogu talagalay ardayda kujirta Daryeelka Korinta Carruurta ee kuqoran Guide to Supporting Students in Foster Care (Hagaha taageeridda Ardayda Kujirta Daryeelka Korinta Carruurta), laga heli karo Treehouse for Kids (Guriga Geedka Carruurta) (https://www.treehouseforkids.org/), oo ka socda Foster Care Program (Barnaamijka Daryeelka Korinta Carruurta) ee OSPI (https://www.k12.wa.us/student-success/access-opportunity-education/foster-care), iyo lifaaqan tooska ah: https://www.treehouseforkids.org/wp-content/uploads/2018/01/treehouse2017final2ndedinteractive.pdf

Ikhtiyaarada Doorashada Dugsiga iyo U badalashada Degmo Kale     

Waxaa jira noocyo badan oo doorashada dugsiga dadweynaha ah oo kajira gobolkeena. Haddii aad jeclaan lahayd inaad oggaato xulashada doorasho aan kajirin degmadaada laakiin laga helo degmo kuu dhaw ama oonleenka, waxaad weydiisan kartaa inaad degmada kala hadasho “usoo badalashada qof aanan deganeyn”—oo micnaheedu yahay, waxaad ardaygaaga la rabtaa adeegyo kabaxsan degmadaada.   

Degmo kasta waa inay leedahay siyaasad uga dagsan usoo badalashada “qof aanan daganeyn” ama “dookha.” Codsashada in degmo laga soo badasho oo loo badasho degmo kale waa hab labo tallaabo ah, oo ubaahan in degmada aad daggan tahay ay fasaxdo ardeygaaga iyo in degmada aadan daganeyn ay aqbasho ardeygaaga. Waxaad lifaaqa doorashada oonleenka ah ee shabakada codsiga u badalashada kaheli kartaa webseedka OSPI, barta: https://www.k12.wa.us/student-success/support-programs/student-transfers ama adiga oo weydiinaaya degmadaada. Ka eeg boggeena Dookha Dugsiga / U Wareegida dugsi kaleAgabka Ikhtiyaarka U Wareegida dugsi kale iyo Bogga Badalashada Ardayda ee OSPI si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Qaar kamid ah doorashooyinka dugsiyada dadweynaha Gobolka Washington waxaa kamid ah:

Khibrad Waxbarasho oo Beddel ah, oo ay kujiraan Iskaashiyada oonleenka iyo Kuwa Guriga/Dugsiga ah:

Qaar kamid ah degmo dugsiyeedyada waxay bixiyaan “Khibrad Waxbarasho oo Beddel ah,” nooc kamid ah waxbarshada dadweynaha halkaas oo qaar ama dhammaan waxbarashada loogu bixiyo si ka baxsan fasalka caadiga ah. Kuwaan waxaa kamid ah dugsiyada oonleenka ah, iyo barnaamijyada iskaashiga guriga/dugsiga ah.   

Weydii xafiiska degmo dugsiyeedkaada, ama ka hubi webseedka degmadaada si aad u hesho macluumaad kusaabsan ikhtiyaarada kale ee laga helo deegaankaaga.

Waxaad sidoo kale kaheli kartaa liiska Barnaamijyada Dugsiga Oonleenka ee la ansixiyey bogga webseedka Waxbarashada Beddelka ah ee OSPI, halkaan: https://ospi.k12.wa.us/student-success/career-technical-education-cte/cte-skill-centers.

Xarumaha Xirfadaha Gobolka:

Xarumaha Xirfadaha waa barnaamijyada gobolka ee siiya koorsooyin ardayda dugsiyada sare ee kujira barnaamijyada kala duwan ee xirfada iyo farsamada shaqada. Waxaa jira in kabadan toboneeyo xarumaha xirfadaha ah oo heer gobol ah, iyo dhawr xarumood oo farac ah, oo ku kala yaala gobolka. Weydii wixi macluumaad ah lataliyaha dugsigaaga sare ama xafiiska degmada si aad u eegto in magaaladaadu kaqeybgasho barnaamijka Xarunta Xirfadaha, iyo noocyada koorsooyinka ay bixiyaan.

Waxaad sidoo kale kaheli kartaa liiska Xarumaha Xirfadaha, iyo lifaaqyada webseedyadooda, bogga barashada xirfada iyo farsamada OSPI, halkaan: https://ospi.k12.wa.us/student-success/career-technical-education-cte/cte-skill-centers.

Barnaamijyada Open Doors Re-Engagement:

Degmooyin badan waxay sameeyeen barnaamijyada Open Doors Youth Reengagement (Albaabada Furan ee Dib uga Qeybgelinta Dhallinta) oo taageera siiya ardayda jirta da'da udhaxeysa 16-21 sano kuwaas oo ka leexday dariiqi waxbarashada dugsiga, laakiin raba inay markale iskudayaan. Barnaamijyada Open Doors waxay badanaa leeyihiin jadwallo dabacsan, waxayna si dhaw ula shaqeeyaan qofkasta oo da' yar ah si ay ugu jeexaan wadada qalinjabinta iyo guusha.  Haddii aad raadineyso hab kale oo aad iskuulka ugu noqoto, ama dib uqaado jidki waxbarashada, weydii lataliyaha dugsiga sare ama qofka jooga xafiiska degmada haddii uu jiro Barnaamijka Re-engagement (Dib uga Qeybgelinta) oo adiga kuu dhaw.

Sidoo kale waad nala soo xiriiri kartaa si aad u eegto inaan kaa caawin karno inaan kuu helno ikhtiyaaro. Waxaad naga soo wici kartaa 1-866-297-2597, iimeel noogu soodiri kartaa oeoinfo@gov.wa.gov, ama nagala socon kartaa nidaamkeena qaadashada oonleenka barta: https://services.oeo.wa.gov/oeo.

Ikhtiyaarada Kale ee Dugsiyada Dadweynaha

Marka laga yimaado dugsiyada ay maamulaan 295 dugsi degmo ee kuyaala Washington, ikhtiyaarada dugsiyada dadweynaha ee kuyaala Gobolka Washington waxaa sidoo kale kamid ah:

  • Dugsiga State School for the Blind, iyo
  • Dugsiga State School for the Deaf;
  • Dugsiyada Qowmiyadaha, iyo
  • Dugsiyada Madaxa Bannaan ee Dadweynaha.

Waxaad macluumaadka kusaabsan Dugsiyada Qowmiyadaha kaheli kartaa webseedka Office of Native Education (Xafiiska Waxbarashada Dadka Udhashay Dhulka) bartaan: https://www.k12.wa.us/student-success/access-opportunity-education/native-education/types-tribal-schools.

Waxaad macluumaadka kusaabsan dugsiyada madaxa bannaan ee dadweynaha ee hadda shaqeeya kaheli kartaa Washington Charter School Commission (Guddiga Dugsiyada Madaxa Bannaan ee Dadweynaha ee Washington), barta oonleenka: https://charterschool.wa.gov/. Si aad u hesho liiska dugsiyada madaxa bannaan ee uu ansixiyey guddiga, iyo kuwa hadda shaqeeya, halkaan ka eeg: https://charterschool.wa.gov/our-charter-public-schools/

Dugsiyada madaxa bannaan ee ay ansixiyeen Spokane Public Schools (Dugsiyada Dadweynaha Spokane), halkaan ka eeg:https://www.spokaneschools.org/Page/2827

Ka eeg boggeena Dookha Dugsiga / Agabka U Wareegida dugsi kale iyo bogga webseedka Badalashada Ardayda ee OSPI, https://www.k12.wa.us/student-success/support-programs/student-transfers, si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.