Sidee ayuu ardaygu ku Bilaabaa waxbarashada gaarka ah?

Sidee ayuu ardaygu ku Bilaabaa waxbarashada gaarka ah?

Sidee ayay degmadu ku heshaa ardayda u baahan adeegyada waxbarashada gaarka ah?

Sida ku cad IDEA iyo sharciga waxbarashada ee gobalka, degmooyinka ayaa masuuliyad rasmi ah ka saaran tahay inay aqoonsadaan dhammaan ardayda degan degmada ee u baahan kara adeegyada waxbarashada gaarka ah. Masuuliyadaan waxaa loogu yeeraa “Child Find (Raadinta Ilmaha Baahida Qaba).” Degmooyinka waxaa laga doonayaa inay lahaadaan xeerar iyo habraacyo u degsan si ay u xaqiijiyaan in ardayda naafada ah la aqoonsado, la helo, lana qiimeeyo.

Sidee ayaa cunugayga loogu qiimeyn karaa waxbarashada gaarka ah?

Cunugaaga ayaa u baahan in loo gudbiyo degmada dugsiga si loogu sameeyo qiimeynta waxbarashada gaarka ah. Si ay u samayso qiimaynta waxbarashada gaarka ah, degmadu waa inay go'aansataa inay qiimayso arday, kadibna waxay codsataa ogolaanshaha ama fasaxa waalidka ilmaha si ay u samayso qiimaynta. Degmooyinka dugsigu waa inay ku qiimeeyaan ardayda dhinac kasta oo kamid ah naafada looga shakiyay. Qiimaynta waa in lagu sameeyo ayadoon wax qarash ah laga qaadin ardayga ama qoyska. Waxaa jira saddex talaabo oo qiimeynta loo maro:

Talaabada 1 aad Qof ayaa soo diraaya codsiga qiimaynta ardayga.

Talaabada 2 aad Degmada ayaa go'aaminaysa in qiimayn loo baahan yahay.

Talaabada 3 aad Oggolaanshaha qiimaynta ayay bixisaa degmadu.

Miyaan codsan karaa in qiimaynta waxbarashada lagu sameeyo cunugayga?

Sida ku cad sharciga Washington, dadka ama xarumaha soo socda ayaa ardayga usoo jeedin kara qiimayn:

  • Qof kasta oo buuxsha qeexitaanka waalid
  • Degmada dugsiga
  • Wakaalad kale ee oo dawladeed
  • Shaqsiyaadka kale ee yaqaana cunuga

Sidee ayaan u samaynayaa soo jeedinta qiimayn?

1. Qoraal ahaan kusoo gudbi. Soo jeedinta waa in lagusoo gudbiyaa qoraal ahaan, ilaa in qofka soo jeedinta samaynaaya uusana awoodin maahee inuu qoraal kusoo gudbiyo. Waxay noqon kartaa mid gacanta lagu qoray oo fudud. Xaqiiji inaad ku qorto taariikhda aadna nuqul ku reebato diiwaankaaga.

2. Haka walwalin in waraaqda soojeedintu noqon wayso mid aad u qurxoon. Haka walwalin boobsiinteeda. Ma jiro wax dhacaaya ilaa in soo jeedin la sameeyo maahee, taariikhda ay degmadu hesho soo jeedinta ayaana bud-dhig u ah jadwalka ay tahay inay degmadu talaabo ku qaado.

3 Codso in dugsigu ardayda ku qiimeeyo xeerarka u qalmida ee IDEA iyo Qaybta 504. Haddii ardaygu uusan u qalmin waxbarashada gaarka ah sida ku cad IDEA, wuxuu u qalmi karaa adeegyada ku cad Qaybta 504.

4. Si gaar ah u abaar nooca dhibaatada aad aaminsan tahay in cunugaagu qabo. Degmooyinka waxaa laga doonayaa inay baaraan dhammaan aagaga la xariira naafada looga shakiyay ilmaha, marka xaqiiji inaad qeexdo dhammaan dhibaatooyinka. Tusaale, haddii aad aaminsan tahay in cunugaagu dhibaato ku qabo akhrinta uuna qabo dhibaatooyin dhanka dareenka ah oo u baahan in la baaro, codso in labada dhinacba la qiimeeyo.

5 Adeegso tusaaleyaal. Ku dar waxyaabaha aad indhahaaga ku aragtay si aad u qeexdo sababta aad u aaminsan tahay in cunugaagu qabo naafo. Haddii aad hayso, keen dukumiintiyada sheegaaya in cunugaagu qabo naafo, sida waraaqaha kasoo baxay dhakhaatiirta ama adeeg bixiyaasha caafimaadka dhimirka.

6 U dir soo jeedinta qof jooga dugsiga ama degmada oo aad isleedahay wuxuu awood u leeyahay uuna doonayaa inuu tallaabo degdeg ah qaado. Inkastoo sharcigu uusan sheegin qof ama xafiis gaar ah oo soo jeedinta loo diraayo, waa fikir fiican inaad u dirto qof aad aaminsan tahay inuu talaabo qaadaayo. Tusaale, waxaad dooran kartaa inaad waraaqda soo jeedinta u dirto maamulaha dugsiga ama agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee degmada.

Maxaa dhacaaya kadib marka degmadu hesho soo jeedinta qiimeynta waxbarashada gaarka ah?

Degmadu waxay haysataa 25 maalmood oo kuwa shaqada ah si ay go'aan uga gaarto inay qiimayso iyo in kale arday. (Ma jirana jadwallada qiimaynta oo ku cad Qaybta 504. Haddii aysan degmadu lahayd xeerarka qiimaynta 504, adeego jadwallada IDEA si aad u tixraacdo.) Si ay u gaarto go'aankeeda qiimaynta, degmadu waa inay dib u eegis ku samayso diiwaanno kasta oo jiray oo waxbarasho ama caafimaad oo dugsigu hayo ama uu keenay waalid ama daryeele. Marka degmadu go'aan ka gaarto in la qiimeeyo iyo inkale, degmadu waa inay waalidka ama masuulka u dirtaa ogaysiiska go'aanka. Haddii degmadu go'aansato inaysan samayn qiimeyn, waad diidi kartaa go'aanka. Ka fiiri Qaybta VII ee daabacaadaan si aad u hesho sharaxaada qaababka kaladuwan ee loo xaliyo khilaafaadka ka jira gudaha degmada.

Waa maxay oggolaanshaha degmadu u baahan tahay si ay u samayso qiimaynta?

Kahor intaan degmadu samayn qiimeyn ku aadan ilmo marka koowaad, waa qasab inay ogolaansho ka hesho walaidka. Haddii waalidku diido, degmadu waxay codsan kartaa dhageysi si loo buriyo diidmada waalidka.

Maxaa dhacaaya marka degmadu oggolaansho u hesho qiimaynta?

Degmada dugsiga ayaa haysata 35 maalmood oo kuwa dugsiga la dhigto ah gudahood inay qiimayn ku samayso ardayga. Sharciga Washington ayaa sheegaaya in marka degmadu hesho oggolaanshaha qiimeynta u qalmida waxbarashada gaarka ah, ay haysato 35 maalmood gudahood inay:

  • Si buuxda u qiimayso ardayga
  • Go'aan ka gaarto in ardaygu qabo naafo
  • Ay go'aamiso haddii cunugu u baahan yahay adeegyada waxbarashada gaarka ah.

Degmada iyo waalidka ayaa sidoo kale ku heshiin kara jadwal, haddii ay degmadu qorto heshiiska ay waalidka la gashay. Tusaale, waalid ayaa dooni kara inuu aqbalo kordhinta jadwalka sugitaanka natiijooyinka qiimeynta waxbarashada ee madaxa banaan. Jadwalka 35 maalmood ee kuwa dugsiga la dhigto ah ayaa meesha ka baxaaya haddii waalidku si joogto ah u diido inuu cunuga keeno qiimaynta ama haddii cunugu u kalaguuro degmooyin kaladuwna inta la wado qiimaynta, marba haddii degmada cusub samaynayso hormar muuqda oo ku aadan xaqiijinta in qiimaynta la sameeyo si dhakhso ah waalidka iyo degmada cusubna ku heshiiyaan jadwal cusub oo qiimaynta lagu dhamaynaayo.

Jadwalka Qiimaynta ee Gobalka Washington

evaltimeline

Soo jeedinta qiimaynta waxbarashada gaarka ah

25 maalmood oo kuwa shaqada ah si go'aan looga gaaro in la qiimeeyo ardayga iyo inkale

Oggolaanshaha qoraalka ah ee waalidku siiyo qiimaynta

35 maalmood oo kuwa shaqada ah oo lagu dhamaynaayo qiimaynta

Maxaa dhacaaya haddii cunugaygu guuro inta qiimayntu socoto?

Haddii arday uu u guuro degmo kale isla sanad dugsiyeedka, dugsiga hore iyo dugsiga cusub ee ardaygu waa inay ka wada shaqeeyaan si dhakhso ah oo ugu macquulsan xaqiijinta in qiimaynta waxbarashada gaarka ah la sameeyo si dhakhso ah. Sharciga Gobolka Washington ayaa ka doonaaya degmada cusub inay biloowdo soo qaadashada diiwaannada ardayga marka ardayga la diiwana gasho iyo in degmada dugsigii hore ee ardaygu ay keento xogta muhiimka ah 2 maalmood oo kuwa shaqada ah iyo diiwaannada dugsiga sida ugu dhakhsaha badan.

Waa maxay muddada la samaynaayo qiimaynta waxbarashada gaarka ah?

Degmadu waa inay ka qiimayso cunuga dhammaan dhinacyada naafada looga shakiyo. Qiimeynta waxbarashada gaarka ah waxay leedahay labo ujeedo: 1) in la go'aansho u qalmida adeegyada, iyo 2) in la aqoonsado baahiyaha iyo awoodaha ardayga si barnaamijka waxbarashada gaarka ah loo abuuro. Xaqiiqada ah in degmada ay qasab ku tahay inay qiimayso DHAMMAAN dhinacyada looga shakiyay naafada ayaa ah arrin aad u wayn, oo ah muhiim.Mararka qaar ardayga ayaa dhibaatooyin ku qabi kara wax ka badan hal meel. Degmadu way joojin kartaa qiimaynta marka ardayga lagu ogaado inuu u qalmo waxbarashada gaarka ah sabab la xariirta hal dhinac. Haddii qiimaynta lagu sameeyay hal meel, waa laga yaabaa inaysan jirin xog ku filan oo ku saabsan baahiyaha guud ee ardayga marka la gaaro xiliga abuurista barnaamijka gaarka ah. Si loogu sameeyo qorshaha ugu haboon ee waxbarashada cunugaaga, fiiro gaar ah u yeelo dedaallada qiimaynta ee degmada si aad u xaqiijiso inay yihiin kuwo balaaran. Xasuusi degmada masuuliyada ka saaran qiimeynta dhammaan dhinacyada.

Waa maxay dhinacyada ay tahay in la qiimeeyo waase maxay noocyada baaritaannada la adeegsanaayo?

Degmada ayaa ku qiimayn karta cunuga meelaha soo socda:

  • Caafimaadka (caafimaadka jirka iyo dhimirka)
  • Aragga
  • Maqalka
  • Caafimaadka bulshada iyo dareenka
  • Garaadka guud
  • Dedaalka waxbarashada
  • Wada-hadalka, hadalka, iyo luuqada.
  • Awoodaha dhaqdhaqaaqa.

Baaritaanka loo adeegsaday qiimaynta waa inuu noqdaa mid sax ah kuna haboon aagga la baarayao. Tan ayaa ka dhigan in baaritaanku u baahan yahay inuu cabiro si sax ah waxyaabaha loogu talagalay inuu baaro. Tusalae, Wechsler Intelligence Scale for Children IV (Cabirka Garaadka Ilmaha ee Wechsler IV) (looguna yeero WISC IV) ayaa ah baaritaanka badanaa la adeegsado looguna talagalay in lagu cabiro garaadka guud. Si guud, natiijooyinka WISC IV looma adeegsan karo qiimaynta xaalada dareenka ee ilmaha waayo maaha ujeedada loo sameeyay baaritaanka. Baaritaannada iyo agabka qiimaynta waa in la doortaa lana adeegsadaa si aan qofka loogu takoorin sababo isir, dhaqan ama jinsi. Waxaa intaas dheer, baaritaannada iyo agabka waa in lagu siiyaa ardayga luuqada hooyo ee ardayga ama qaab kale oo la isku fahmo (sida luuqada naafada), ilaa inaysan suurtagalayn maahee talaabadaas.

Maxaad samayn kartaa? Waydii su'aalo ku saabsan baaritaannada. Inkastoo eray bixinnada qiimaynadu noqon karaan kuwo dhib badan, inaad su'aalo waydiiso waxaad ku fahmaysaa:

  • Ujeedada baaritaanka, iyo
  • In nooca baaritaanka la adeegsaday uu ku habboon yahay cunugaaga.

Waydii qof kamid ah kooxaha qiimaynta inuu kuu sharaxo baaritaannada asagoo adeegsanaaya luuqad fudud. Xaqiiji in baaritaanku uu si sax ah u cabiri karo awooda la rabo inuu cabiro. Tusaale, baaritaannada qaarkood ayaa leh shuruudaha da'da, xirfada akhriska iyo awooda luuqada si natiijadu u noqoto mid sax ah. Haddii cunugaagu aad uga yar yahay baaritaan gaar ah, uusan akhrin karin heerka muhiimka u ah baaritaanka, ama haddii baaritaanka aan lagu bixin luuqada hooyo ee cunugaaga, markaas natiijada baaritaanka ayaan manfac lahayn waxayna noqon kartaa mid khalad ah.

Yaa samayn doona baaritaanka?

Xirfadleyaal aqoon u leh samaynta baaritaanka aagga looga shakiyay naafada. Dhakhtarka maskaxda ee dugsiga ayaa samayn kara baaritaannada. Laakiin aagag naafada qaarkood ayaa u baahan doona khabiirka maskaxda oo haysta tababar gaar ah, dhakhtarka caafimaadka dhimirka, baxnaaniyaha jirka/baxnaaniyaha hadalka, dhakhtar caafimaad, ama qof kale oo khibrad leh. Haddii shaqaalaha degmadu aysan awoodin inay sameeyaan qiimaynta, degmada ayaa u baahan karta inay raadiso khabiir ka baxsan shaqaalaheeda si uu u sameeyo shaqada qiimaynta. Qiimaynadana banaanka ah waa inay qarashkooda dhiibto degmadu. Degmada ayaa ku waydiin karta haddii arday ama qoysku leeyahay caymis gaar loo leeyahay ama maal gelin kara oo dabooli karta qarashka qiimaynada banaanka lagu sameeyo. Haddii arday ama qoys uusan doonayn inuu adeegsado gunnooyinka caymiska ama ilaha kale ee maalgelinta, degmadu waa inay wali diyaariso ayna dhiibto qarashka baaritaanka banaanka ah ee muhiimka u ah dhameystirka qiimeynta.

Waa maxay qaababka kale ee degmadu ku aruurin karto xog ku saabsan u qalmida cunugayga iyo baahida waxbarashada gaarka ah?

Degmadu waa inay adeegsataa noocyada kaladuwan ee agabka iyo xeeladaha qiimaynta si ay u hesho xogta loo baahan yahay ee shaqada, kobaca iyo tacliinta ee ardayga. Aruurinta xogta waxaa ku jiri kara kormeerida ardayga iyo waraysiyo laga qaado qoyska, daryeeleyaasha, iyo dadka kale ee ardayga aqoonta u leh. IDEA iyo No Child Left Behind Act (Sharciga Qasabka ka dhigaaya Waxbarashada Ilmo Kasta) ayaa xoojinaaya adeegsiga qiimaynada gudaha fasalka si loo aruuriyo xog. Qiimaynadaan gudaha fasalka ah waxaa loogu yeeraa cabirada ku salaysan manhajka (CBMs). Waa inaad waydiiso kooxda haddii CBMs loo adeegsaday cunugaaga si dhammaan xubnaha kooxda qiimayntu u akhriyaan qiimaynadaan waayo mararka qaar CBMs waxaa sameeya macalinka waxbarashada guud lalamana wadaago shaqaalaha waxbarashada gaarka ah.

Ka waran haddii aan diido qaabka ama natiijada qiimaynta?

Waxaad codsan kartaa qiimaynta waxbarashada oo madax banaan oo ay qarashka dhiibayso degmadu haddii aad diido natiijada qiimaynta. Haddii aad walaacyo ka qabto cabirka ama natiijooyinka qiimaynta, waxaa jira waxyaabo aad samayn karto:

  • La hadal degmada oo soo gudbi walaacyadaada. Ka codso degmada inay samayso qiimayn dheeraad ah ama kale
  • Raadi qaabab kale oo lagu sameeyo qiimaynta (Cunugaagu ma haystaa caymis caafimaad oo dabooli kara qarashka qiimaynta aagga walaacu ka jiro? Degmadu waa inay tixgelisaa qiimaynada ka baxsan ayada.)
  • Codso in qiimaynta waxbarashada oo madax banaan la sameeyo ayadoo qarashka ay degmadu dhiibayso, oo ka hel liiska qiimeeyaasha degmada.
  • Iskuday dookhyada xalinta khilaafka ee rasmiga ah, sida dhex-dhexaadin, cabasho, ama dhagaysiga. Akhri Qaybta VII ee daabacaadaan si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku aadan xalinta khilaafka.

Maxaa dhacaaya haddii aan codsado "qiimaynta madaxa banaan ee waxbarashada oo dawladu dhiibayso lacagta?"

Degmadu waa inay midkood aqbashaa codsiga ama waa inay furtaa dhagaysiga kiiska si ay u muujiso in qiimaynteedu sax tahay. Qiimaynta waxbarashada ee madaxa banaan waxaa laga wadaa qiimayn uu samaynaayo qof xirfad u leh oon u shaqayn degmada masuulka ka ah waxbarashada ardayga. Marka la codsado, degmadu waa inay waalidka siisaa xogta ku saabsan in qiimaynta waxbarashada ee madaxa banaan la samayn karo. Waalidiinta ayaa xaq u leh xulashada cida samaynaysa qiimaynta. Degmada ayaa haysata 15 maalmood si ay u codsato dhagaysiga kiiska haddii ay diidan tahay codsiga qiimayn madax banaan. Haddii aan degmadu codsan dhagaysi 15 maalmood gudahood, markaas waa qasab inay dhiibto qarashka qiimaynta madaxa banaan ama waa inay xaqiijiso mid aan wax qarash ah uga baxayn ardayga ama degmada. Haddii sarkaalka dhagaysigu uu go'aansho in qiimaynta degmadu sax ahayd, waalidka ayaa wali xaq u leh inuu helo qiimayn madax banaan, laakiin degmada qasab kuma ahan inay dhiibto qarashka. Degmadu waa inay tixgelisaa natiijooyinka qiimaynta madaxa banaan xataa haddii aysan dhiibin qarashkeeda.