Xallinta Khilaafaadka Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah
Waxaa la cusboonaysiiyay Juun, 2024
Maxaan samayn karaa si aan wax oga qabto oo u xalliyo khilaafka dugsi degmeedka?
La kulan wakiil ka tirsan dugsi degmeedka, codso dhexdhexaadin, cabasho samee ama soo gudbi nidaam dacwad dhagesi caddaalad ah.
Intaad u doodayso ardaygaaga naafada ah ee baahiyaha gaarka ah qabo, waxaa laga yaabaa inaad arrimo qaar aad ku khilaafto maamulka dugsiga. Haddii ay suurtagal tahay, waa fikrad wanaagsan oo habboon in la isku dayo in la xalliyo dhibaatada iyada oo lala xariiraayo xubnaha kooxda Individualized Education Program (IEP, Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah) ama shakhsiyaadka kale ee maamulka ah. Haddii habkaas ama nidaamkaas ay shaqayn waayaan, waxaa jira dhowr habab oo sharciga dejiyay oo lagu xalliyo khilaafaadka.
Nidaamyada rasmiga ee cabasho gudbint, dhexdhexaadinta, iyo dacwad dhageysi ayaa diyaar u ah waalidiinta iyo maamulka dugsiyada si loo xalliyo khilaafaadka ku saabsan waxbarashada gaarka ah, oo ay ku jiraan khilaafyada ku saabsan:
- Aqoonsiga arday naafo ah
- Qiimaynta ardayga
- Bixinta adeegyada waxbarashada gaarka ah
- Goobta meelaynta waxbarashada ee ilmaha.
Cabashooyinka
Waxaa jira laba hab oo cabasho loo sameeyo oo rasmi ah oo la heli karo haddii uu jiro khilaaf ku saabsan barnaamijka waxbarashada gaarka ah (Individuals with Disabilities Education Act (IDEA, Xeerka Waxbarashada Shaqsiyaadka naafada ah) ama 504) ee ardayga.
- Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada ee Loo gudbiyo Office of the Superintendent of Public Instruction ee Gobolka Washington
Waa maxay Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada?
Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada, oo hore loogu aqoon jiray Cabashooyinka Muwaadinka, waa hab lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya ardayda iyo maamulka dugsiga oo ay xalliso urur kale oo dibadda ah. Waa in cabashooyinka bulshada loo gudbiyaa Office of the Superintendent of Public Instruction (OSPI, Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waxbarashada) marka uu qof aaminsan yahay in hay'ad waxbarasho (oo ay ku jiraan kuwa gobolka, degmada, ama dugsiyada dadweyne ama kuwa gaarka loo leeyahay) ay ku xad-gudbeen shuruudaha IDEA ama sharciyada waxbarashada gaarka ah ee gobollka.
Yaa soo gudbin kara Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada?
Qof kasta ama hay'ad kasta ayaa cabasho u soo gudbin kara Office of the Superintendent of Public Instruction.
Waa maxay shuruudaha ku aadan soo gudbinta Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada?
Cabashada waa in:
- Ay ahataa hab qoraal ahaan ah
- Inuu saxiixo qofka cabashada samaynaya
- Ay la socotaa bayaan cadaynaya in hay'adda waxbarashadu ay sannadkii hore gudaheed jabisay sharciga waxbarashada gaarka ah
- Caddaynaysa xaqiiqada xadgudubka
- Ay leedahay magaca iyo ciwaanka qofka cabashada samaynaya oo
- Ay sheegayso magaca iyo ciwaanka goobta waxbarashada.
Haddii cabashadu ku saabsan tahay arday gaar ah, cabashadu waa inay sidoo kale leedahay:
-
- Magaca ardayga
- Magaca dugsiga degmeedka ardayga
- Sharaxaad ku saabsan arrinta saamaynta ku leh waxbarashada ardayga
- Soo jeedin ku aadan xallinta dhibaatada.
Halkee laga helaa foomka Cabashada Bulshada?
OSPI ayaa kuu samaysay foom ikhtiyaari ah oo aad isticmaali karti marka aad buuxinayso Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada. Waxaa foomka laga heli karaa bartaan: https://ospi.k12.wa.us/student-success/special-education/dispute-resolution/file-community-complaint
Halkee ayaad isbeddel ka samayn kartaa?
Markaad aad samayso cabasho bulsheed, hubi inaad muhiimada saarta feejignaanta iyo u hogaansanaanta waqtiyada habraaca. Haddii OSPI ama hay'adda waxbarashadu ay ku guul darreysato inay tallaabo ku qaadaan muddada la cayimay ee ku habboon, waxaad so gudbin kartaa cabasho kale.
Xaqiiji in cabashadaada aad ku darto diiwaanada dugsiga ee khuseeya oo leh bogag lambaraysan si ay u sahlanaato in diiwaanada la tixraaco.
Maxaa dhacaaya ka dib marka la so gudbiyo Cabashada Waxbarashada Gaarka ah ee Bulshada ?
Marka OSPI ay hesho cabashada, waa inay nuqul ka mid ah cabashada u soo dirtaa maamulka dugsiga. 20 maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta la helo cabashada, waa in maamulka dugsiga ay baartaa cabashada oo ay qoraal ahaan ugu soo jawaabtaa OSPI. OSPI ayaa kuu soo diri doontaa nuqul ka mid jawaabta maamulka dugsiga. Markaa waxaad haysataa ikhtiyaar aad ku so gudbin karto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cabashada.
60 maalmood gudahood, OSPI waa inay ku samayso go'aan madax-banaan, oo qoraal ah oo ku aadan in hay'adda waxbarashadu ay ku xad-gudbayso sharciga waxbarashada gaarka ah ee federaalka ama kuwa gobolka. Go'aanka waa inuu ku jiraa natiijooyinka xaqiiqda iyo tillaabooyinka macquulka ah ee lagama maarmaanka ah ee ku aadan xallinta cabashada. Waqtigan ayaa la kordhin karaa haddii:
1) Xaalado gaar ah ay dhacdo oo la xiriirta cabashada
2) cabasho oogaha iyo hay'adda waxbarashadu ay ku heshiiyaan hab qoraal ahaan ah inay kordhiyaan waqtiga adeegsiga habka dhexdhexaadinta ama hab kale oo lagu xaliyo khilaafaadka.
Ka dib waa in maamulka dugsiga ay raacdo wakhtiga lagu dejiyay go'aanka qoraalka ah ee OSPI si loo dhamaystiro tallaabo kasta oo lagu saxayo. Haddii maamulka dugsiga ay u hogaansami weydo, OSPI ayaa joojin kartaa maalgelinta dugsiga ama waxay samayn kartaa xalal kale oo ka duwan.
Haddii la isku raaco in maamulka dugsiga ay ku guuldareysato in adeegyada ku habboon ay siiso ardayga naafada ah, waa in OSPI ay:
- Go'aanso sida maamulka dugsiga ay wax uga qaban karto oo u sixi karto arrintaas, oo ay ku jiraan bixinta lacag magdhow ah ama samaynta tallaabo kale oo sixid ah si wax looga qabto baahiyaha ardayga
- Ay mustaqbalka wax uga qabato adeegyada la siiyo dhammaan ardayda naafada ah.
Halkeen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cabashada bulshada ee OSPI?
https://ospi.k12.wa.us/student-success/special-education/dispute-resolution/file-community-complaint
Cabashada Xuquuqda Madaniga ah ee Office of Civil Rights for the Department of Education ee Dowladda Maraykanka
Waa maxay cabashada xuquuqda madaniga ah?
Qodobka 504 ee sharciga ayaa ka hadlaaya sharci ka-hortagga takoorka kaas oo ku wajahan ciribtirka takoorka ku saleysan naafonimada e dhammaan barnaamijyada hela maalgelinta lacagaha dawladda federaalka ah. Sababtoo ah dugsiyada dadweynaha iyo kuwo degmooyinka waxay helaan maalgelinta lacagta federaalka ah, waxaa waajib ku ah in ay u hogaansamaan shuruudaha Qodobka 504.
Office for Civil Rights (OCR, Xafiiska Xuquuqda Madaniga) ee Dowladda Maraykanka ee Department of Education (Waaxda Waxbarashada) ee Dowladda Maraykanka ayaa ilaalisa ku dhaqanka Qodobka 504 waxayna masuul ka tahay baadhista cabashooyinka.
Yaa so gudbib kara cabashada xuquuqda madaniga ah?
Qof kasta ayaa cabasho u soo gudbin kara Office of Civil Rights ee Dowladda Maraykanka mar kasta oo arday naafo ah aanu dheef waxbarasho ka helin barnaamij u dhigma dheefaha ay helaan asaagiisa kale ee aan naafada ahayn. Tusaale ahaan marka ardayga qaba naafonimada akhlaaqda loo sheego in aanu aadi karin safarada waxbarashada oo ay tahay in uu joogo xafiiska maamulaha halka fasalka intiisa kale ay ku maqan yihiin safarada waxbarashada ah. Waxaa kale oo cabashada OCR ka mid noqon kara arrimaha adeegyada gaarka sida, sida la'aanta jaraanjarada ilmaha gaariga curyaanka ku socda ama in maamulka dugsiga uu ku guul daraysatay in ay bixiyaan adeegyo gaar ah oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qabaan oo ay qaybta ka ah ama lagu daray qorshaha 504 ee ardayga.
Waa maxay shuruudaha cabashada xuquuqda madaniga ah?
Waa in cabashada xuquuqda madaniga ah la soo gudbiyaa 180 maalmood gudahood (6 billood) ee laga bilaabo taariikhda ay dhacday falka takoorka. Cabashadu waa inay leedahay:
► Magaca, ciwaanka iyo taleefoonka qofka soo gudbinaya
► Magaca, ciwaanka iyo taleefoonka qofka (shakhsiyaadka) la takooray
► Magaca iyo ciwaanka dugsiga, degmada, ama qofka takoor sameeyay
► Nooca takoorka (jinsi, naafonimo, asalka qowmiyadda, iwm.)
► Goorta iyo meesha uu takoorku ka dhacay
► Xaqiiqooyinka ku aadan takoorka iyo
► Nuqulo qoraal ah, xogta, ama dukumeentiyo kale oo taageeraya cabashada.
Halkee laga so gudbiyaa Cabashada Xuquuqda Madaniga ah ee OCR-ka ah?
Si aad cabasho uga gudbiso OCR, waxaad isticmaali kartaa foomka cabashada elektaroonigga ah ee laga helo bartaan: https://www2.ed.gov/about/offices/list/ocr/complaintintro.html
ama waxaad ka heli kartaa foom la buuxin karo bartaan: https://www2.ed.gov/about/offices/list/ocr/complaintform.pdf
Haddi aad doorato inaad buuxiso foomka la buuxin karo ama aad qorto warqad adiga kuu gaar ah, waxaad cabashadaada ku soo diri kartaa iimayl ahaan adiga oo u diraya iimaylka OCR.Seattle@ed.gov ama fakis ahaan adiga oo u diraya (206)607-1601. Waxaad sidoo kale cabashadaada iimayl ah ugu soo diri kartaa:
Office for Civil Rights
U.S. Department of Education
915 2nd Avenue #3310
Seattle, WA 981074-1099.
Maxaa dhacaya ka dib marka cabashada xuquuqda madaniga la soo gudbiyo?
OCR ayaa dib u eegaysa xogta ku jirta cabashada waxayna go'aamisaa in cabashada la sii baaro iyo in kale. Waa in ay go'aamiso haddii ay iyadu awood u leedahay in ay baarto cabashada iyo in cabashada wakhti ku habboon la soo gudbiyay iyo in kale. Cabashada xuquuqda madaniga ah waa in la soo gudbiyaa muddo 180 maalmood gudahood ah oo laga bilaabaayo taariikhda ay dhacday falka takoorka.
OCR ayaa ku weydiin doonta inaad saxiixdo foomka oggolaanshaha taasoo qayb ka ah habraaca. OCR ayaa kugula soo xidhiidhi doonta hab iimayl ama telefoon ahaan haddii foomkan aanu la helin maalinta 15aad ee markii lagu waydiiyey inaad saxeexdo oo waxay ku ogeysiin doonta inaad leedahay 5 maalmood oo dheeraad ah oo aad ku saxeexdo foomka. Waxa kale oo laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad bixiso macluumaad dheeraad ah. Haddii macluumaad dheeraad ah loo baahdo, waa in OCR ay ku siiso ugu yaraan 20 maalmood si aad u bixiso macluumaadka Lagaa codsaday..
Ka dib marka OCR ay dhameysato baaritaankeeda, adiga iyo maamulka dugsi degmeedka labadiinabo waxaad heli doontaan Warqad Natiijada ah oo sharaxaysa in caddayntu ay taageerayso xadgudubku dhacay iyo in kale. Haddii OCR ay ogaato in maamulka dugsida degmada aysan u hoggaansamin sharciga, waxay la xiriiri doontaa maamulka dugsiga degmada si ay u aragto haddii ay maamulka diyaar u tahay inay gasho heshiis xalin ikhtiyaari ah ay la gasho cabasha oogaha. Haddi maamulka dugsiga degmada ay ku heshiin weydo in ay xaliso arinta, OCR ayaa laga yaaba in ay qaado tallaabo dheeraad ah sida in ay kiiska u gudbiso Waaxda Cadaalada.
Haddii aad u malaynayso in maamulka dugsiga degmada ay ku xad-gudbayso xaqa uu ardaygu u leeyahay adeegyada waxbarashadiisa ee habboon, soo gudbi cabasho.
Dhexdhexaadinta
Waa maxay dhexdhexaadintu?
Dhexdhexaadintu waa nooc ka mid ah xallinta khilaafaadka. Sida ku qeexan xeerka IDEA, waxaa maamulka dowladdaha gobolada looga baahan yahay inay bixiyaan adeegyo dhexdhexaadin bilaash ah siiyaan waalidiinta/masuuliyiinta iyo maamullada degmooyinka dugsiga iyadoo loogu talagalay xalinta khilaafaadka ku saabsan barnaamijka waxbarashada gaarka ah ee ardayga baahiyaha gaarka ah qabaan.
Waxaa uu habka dhexdhexaadintu isku keenaa maamulka dugsiga iyo waalidka ama masuulka iyo qof saddexaad oo dhexdhexaad ah - dhexdhexaadiyaha. Dhexdhexaadiyuhu ayaa la kulmaa labada dhinacba si uu isku dayo in uu labada dhinac ay gaadhaan heshiis la aqbali karo oo ku saabsan baahiyaha waxbarasho ee ardayga. Habka waa mid ikhtiyaari ah, marka waalidka ama mas'uulka iyo maamulka dugsiga degmada labadaba waa inay ku heshiiyaan ka qaybgalka. Dhexdhexaadintu waxay noqon kartaa hab wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada ay helaan ardayda, lagu xalliyo khilaafka, oo lagu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya maamulka dugsiga iyo waalidka ama masuulka.
Haddii dhexdhexaadinta lagu guuleysto, dhinacyadu ayaa saxiixi doona heshiis sharci ah oo qeexaya xalka la gaaray.Waxay ku xiran tahay maamulka dugsiga iyo waalidka ama mas'uulka inay fuliyaan qodobada heshiiska ku qoran. Marka la sameeyo heshiiska dhexdhexaadinta ah, dhexdhexaadiyuhu ayaa meesha ka baxaata mana laha awood uu ku qasbo labada dhinac inay wax sameeyaan haba yaraaee. Haddii khilaaf ka yimaado heshiiska dhexdhexaadinta, waalidka ama masuulka ayaa dhaqan-gelin ka raadsan kara maxkamada gobolka ama mida federaalka ah. Haddii khilaaf cusub ama mid ka duwan uu yimaado, waalidka ama mas'uulka ama maamulka dugsiga degmadu ayaa isticmaali karaan dhammaan noocyada xallinta khilaafaadka ee waafaqsan sharciga.
Codsiga dhexdhexaadinta ayaa loo gudbin karaa Sound Options. Waxaa codsigaaga ku samayn kartaa hab qoraal ama telefoon ah. Labada dhinacba way la xiriiri karaan Sound Options mana aysan sameyn doonaan xiriirka dhinaca kale. Waxaad Sound Options kala xiriiri kartaa lambarka 1-800-692-2540.
Talada U doodista
Oggolaanshaha ka qaybqaadashada dhexdhexaadinta kama hor istaagayso inaad hadhoow aad codsato dhagaysi dacwad caddaalad ah. Waxaad joojin kartaa nidaamka dhexdhexaadinta wakhti kasta oo weli waad codsan kartaa nidaamka dhageysiga dacwadda ah. Dhibka kaliya ee jira ayaa ah in hadhoow aan wada hadaladda hannaanka dhexdhexaadinta aan loo isticmaali karin caddayn ahaan marka la samaynaayo dhegsiga dacwada caddaalada ah. Hase yeeshee, heshiiska dhexdhexaadinta ee qoran ayaa caddayn ahaan loo isticmaali karaa.
Nidaamka Dacwad Dhageysiga Sharciga ah
Waa maxay nidaamka dacwad dhageysi sharciga ah?
Nidaamka dacwadda sharciga ahi waa dacwad maamul oo rasmi ah, si la mid ah kuwo maxkamadda. Waxaa waalidka ama masuulka iyo maamulka dugsiga degmada uu mid kastaa leeyahay fursad uu ku soo bandhigo caddaynta iyo markhaatiyada iyo in dhinac kasta uu markhaatiga dhinaca kale uu su'aalo waydiiyo.
Sarkaalka dhegeysiga dacwadda ayaa gaaraaya go'aan qoran isagoo ku salaynaayo xaqiiqooyinka jira iyo sharciga.
Miyaan u baahanahay qareen si aan u helo dacwad dhageysi sharci ah?
Maya, laakiin waxaad xaq u leedahay in uu qareen ku matalo haddii aad dooneyso.
Waxaa waalidka ama masuulka ardayga naafada ah lagu talin kara ama matali kara qareen ku xeeldheer dacwad dhageysi sharci ah. Qasab ma ahan in uu qofku haysto qareen, waxaadna dhageysi ku guulaysan kartaa qareen la'aan. Inta badan waa ay wanaagsan tahay inaad la tashato qareen ama qof kale oo aqoon leh si uu kaaga caawiyo codsiga iyo u diyaargarowga dacwad dhageysiga.
Sideen ku codsadaa dacwad dhageysi sharci ah?
Codsiga qoraal u dir Office of Administrative Hearings (Xafiiska Maamulka Dacwad Dhagaysiyada) oo ogeysii maamulka dugsiga degmada.
Waa in nidaamka dacwad dhageysiga sharciga ah lagu sameeyaa hab qoraal ah oo ay ku jiraan macluumaadka soo socda:
- Magaca iyo ciwaanka ardayga
- Dugsi Degmeedka iyo dugsiga uu ardaygu dhigto
- Maamulka dugsi degmadeedka mas'uulka ah bixinta adeegyada waxbarashada gaarka ah haddii ay ka duwan tahay maamulka dugsiga degmada uu ardaygu dhigto
- Sharaxaad ku saabsan arrimaha walaaca waalidka keenay
- Tallooyinkaaga ku aadan xalinta dhibaatada.
Boosto ugu dir ama u gudbi koobiga codsigaaga dhageysiga:
Office of Administrative Hearings
P.O. Box 42489
Olympia, WA 98504
Waa inaad sidoo kale keentaa codsiga dhageysiga orijinaalka dugsiga degmada adiga oo u diraya ama boosto ugu diraya Kormeeraha guud ee dugsi degmeedka. La har nuqul kamid ah codsiga.
OSPI ayaa soo saartay foom codsi dhageysi caddaalad ah si ay uga caawiso waalidiinta codsashada dacwad dhageysi cadaalada leh. Foomkan waxa laga heli karaa bartaan: https://ospi.k12.wa.us/student-success/special-education/dispute-resolution/request-due-process-hearing[ /u]
Waa maxay xaddidaadaha ay leedahay codsiga dacwad dhageysiga sharciga ah?
Codsiga dhageysiga waa in uu ka hadlaa oo xooga saara xadgudub ama arrin dhacay labadii sano ee la soo dhaafay. Waxaa uu codsiga dhageysiga dacwadda sharciga ah wax ka qaban karaa xadgudub ka dhacay in ka badan muddo laba sano ka hor haddii labada shuruud midkood la buuxiyo:
- Haddii waalidka laga hor istaagay in uu codsado dhageysi dacwad cadaalad ah muddo laba sano gudahood sababtoo ah dugsi degmeedka ayaa si khaldan u sheegay in ay xalliyeen dhibaatada.
Ama
- Haddii waalidka laga hor istaagay in uu codsado dacwad dhageysi caddaalad ah muddo laba sano gudahood ah sababta oo ah dugsi degmeedka ayaa diiday macluumaadka loo baahnaa in ay la wadaagaan sharciga.
Aad bay muhiim u tahay in la sameeyo codsiga dhegeysiga si looga wada hadlo dhammaan arrimaha suurtagalka ah iyo arrimaha walaaca ah oo ay waalidku qabaan. Marka codsiga la helo, waxa kaliya oo la bedeli karaa haddii maamulka dugsiga degmadu ay qoraal ahaan ku sheegaan in ay ogalaadeen ama haddii sarkaalka dhegaysanaya dacwadda uu ogolaado oo u sheego in la bedeli karo, oo wakhtiga kullanka xallinta (hoos ka eeg) ayaa mar kale bilaabmaya.
Sidoo kale, sida hoos ku qeexan IDEA, kaliya arrimaha lagu soo qaaday codsiga dhageysiga ama wax ka bedelka codsiga ayaa looga hadli karaa dacwad dhageysga ilaa dhinaca kale uu ogolaado mooyaanee. Iyadoo aan lagaaga baahnayn inaad haysato qareen si aad u samayso codsiga dacwadda dhageysiga ah, waxaa laga yaabaa inay in aad u baahato inaad la tashato qareen marka la diyaarinayo codsiga dacwad dhageysiga si loo hubiyo in dhammaan arrimaha walaacyadaada ay ku jiraan.
Maxaa dhacaya ka dib marka aan soo gudbiyo codsi ah dhageysiga nidaamka xuquuq dhowrka leh?
Waa in maamulka dugsi degmeedka ay ka jawaabtaa.
Muddo 10 maalmood gudahooda laga bilaabo marka la helo cabashada waalidka, maamulka dugsiga degmadu waa inay ka jawaabtaa. Waa in maamulka dugsiga degmada ay sharaxdaa sababta ay u qaadatay talaabada ay samaysay, waxa kale oo ay kooxda IEP tixgelisay iyo sababta loo diiday, sharaxaad ku aadan macluumaadka degmadu ku tiirsan tahay go'aankeeda iyo macluumaadka wax kasta oo kale oo khuseeya go'aanka maamulka degmada. Degmadu uma baahna inay ka jawaabto haddii ay ogaysiis hore oo ku saabsan cabashada ay u soo direen waalidka.
Waa maxay kulanka kalfadhiga xallinta?
Kalfadhiga xallinta waa kulanka dhaca ka dib marka la sameeyo codsi dacwad dhageysi ah, laakiin ka hor inta aanu dhicin dacwadda dhegsiga ah.
15 maalmood gudahooda laga bilaabo xilliga helitaanka codsiga dacwadda dhageysiga ah ee ka yimaado waalidka, waa in uu maamulka dugsiga degmad uu kalfadhu kulan ah la yeesho waalidka, xubnaha ay khusayso ee Kooxda IEP, iyo wakiilka dugsi degmeedka ee leh awooda go'aan gaarista. Maamulka dugsi degmeedka qareen ma keeni karo kulanka kalfadhiga dhexdiisa ilaa uu sidoo kale waalidku haysto qareen mooyaane. Ujeedada kulanka ayaa ah in laga doodo cabashada oo la eego in arrinta la dhamayn karo iyadoo aan la samayn dacwad dhageysi ah.
Haddii waalidka iyo maamulka dugsiga degmadu ay ku heshiiyaan kulanka kalfadhiga xallinta, waa inay saxiixaan heshiis sharci ah oo ka dhaqengalaaya maxkamadda horteeda. Maamuulka degmo dugsiyeedka ama waalidku labadabo waxay haystaan saddex maalmood oo shaqo oo ay ku sameeyan isbeddel haddii ay maskaxdooda beddelaan.
Kulanka kalfadhiga xallinta waa inuu dhacaa ilaa waalidka iyo dugsiga degmada labaduba ku heshiiyaan hab qoraal inay ka tanaasulaan kulanka ama ay ku heshiiyaan in beddelkeeda ay isticmaalaan nidaamka dhexdhexaadinta mooyaane.
Intee in le'eg ayay qaadata habka nidaamka dhageysa dacwadda ee sharciga ah?
Waxay maamulka degmo dugsiyeedku haysataa 30 maalmood oo taariikhi ah laga bilaabo waqtiga ay hesho cabashada in isku dayaan oo ay xalliyaan arrinta iyadoo oo uu waalidka ku qanacsanyahay iyada oo loo marayo nidaamka wax xallinta. Haddii maamulka degmo dugsiyeedka ay sidaas ku samayn waydo muddo 30 maalmood gudahooda, waxa bilaabmaya waqtiga dhagaysiga dacwada.Dhageysiga waa in la qabtaa oo go'aan lagu gaaro 45 maalmood gudahood.
Muddada xallinta ee 30ka maalmood ah ayaa wax laga beddeli karaa haddii mid ka mid ah xaaladaha soo socda ayaa dhacaan:
- Haddi labada dhinacba ay qoraal ahaan ku heshiiyaan inay ka tanaasulaan kulanka kalfadhiga xallinta
- Haddii hexdhexaadinta ama kulanka kalfadhiga xallinta ka dib, ay labada dhinacba ay qoraal ahaan ku heshiiyaan in aanu heshiis suurtagal ahayn ama
- Haddii dhinacyadu ku heshiiyeen inay ka qaybqaataan dhex dhexaadinta ka dhib marka la soo moodo 30-ka maalmood ee kulanka kalfadhiga xallinta iyo in dhinac uu ka baxo dhexdhexaadinta. Marka xaaladahaas ay dhacaan, waxaa bilaabmaaya 45-ka maalmood ee kalandarka ah.
Waxaa heerka dhegeysiga dacwaddu lafteedu ay ku xidhan tahay hadba sida ay arrimuhu yihiin iyo inta uu dhinac kastaa u malaynayo inay ku qaadanayso soo bandhigida dacwadeeda.
Kulanka kalfadhiga xallinta ayaa aad muhiim u ah. Haddii waalidku aanu doonayn inuu ka qaybqaato kulanka kalfadhiga xallinta, wakhtiyada kulanka xallinta iyo dhageysiga dacwadda ayaa dib loo dhigayaa ilaa kulanka la qabanayo. Intaa waxaa dheer, maamulka degmo dugsiyeedku ayaa ka codsan karta sarkaalka dhegeysiga dacwadda in uu diido dhageysiga dacwadda ka dib dhammaadka 30 ka maalmood ee muddada xallinta haddii waalidku diido inuu ka qaybqaato kulanka xallinta. Dhinaca kale, haddii maamulka degmo dugsiyeedka uu ku guul-darreysato in uu ballanta kulanka kalfadhiga xallinta uu ku qabsado 15 maalmood gudahooda ka dib markay hesho codsiga dhageysiga, waalidku ayaa ka codsan kara sarkaalka dhegeysiga inuu si degdeg ah u bilaabo waqtiga 45ka maalmood ee nidaamka dhegeysiga dacwadda.
Jadwalka Dhegeysiga Dacwadda Sharciga ah
Waalidka ayaa qoraal ahaan ku codsada dacwadda dhageysiga |
Maamulka dugsi degmeedka ayaa ku jawaabtaa muddo 10 maalmood gudahood ah |
Maamulka dugsi degmeedka ayaa kullanka kalfadhiga xallinta ah qabsataa muddo 15 maalmood gudahood, haddii aan qoraal lagaga tanaasulin mooyaane. |
Haddi kulank kalfadhiga xalinta uu xalin waayo cabashada muddo 30 gudahood, dacwadda dhagaysiga ayaa sii socon donta waxaana go'aanka dhagaysiga lagu gaari doono muddo 45 maalmood gudahood ah. |
Waa maxay “ku sugnaanshaha goobta waxbarashada ee hadda?” Halkee buu ardaygaygu dugsiga u aadaya markaan codsado dacwad dhageysi ah?
Ku sugnaanshaha goobta waxbarashada ee hadda waa erey lagu isticmaalo IDEA si loogu qeexo meesha ardaygu uu dugsi u aado marka la codsado dhegaysi. Haddii dhegeysi la codsado, ardaygu wuxuu xaq u leeyahay inuu sii wado helitaanka barnaamijkooda waxbarasho ee gaarka ah isla goobta ilaa dhegeysiga dacwadda la dhammeeyo oo go'aan laga gaaro. Waxaa jira xaallado qaar kamid oo ka reeban in lagu sugnaado goobta waxbarashada ee hadda oo khuseeya xilliga edbinta ardayga.
Waa maxay natiijada ay keeni karto dhageysiga dacwaddasharciga ah?
Waxaa Dugsi degmeedka lagu amri karaa inay bixiso adeegyada, ay ardayga siiso waxbarashada magdhow ah oo dheeraad, oo ay bixiso kharashka sharciyeed ee waalidka.
Dhageysiga dacwadda sharciga ah ayaa ka caawin kara ardayga inuu helo adeegyada ku habboon oo uu ka soo kabsado waxbarashadii uu waayay sababo la xidhiidha guul darada waajibaadka maamulka dugsiga degmada owgeed. Sarkaalka dhegeysiga dacwadda ayaa kaa caawin kara xallinta khilaafaadka ku saabsan u-qalmitaanka ardayga, IEP-da, isbeddelada goobaha waxbarashada, iyo qiimaynta iyo dib-u-qiimaynta.
Sarkaalka dhageysiga ayaa sidoo kale amri kara waxbarasho magdhow ah, taasoo la macno ah in degmadu ay bixiso adeegyo si ay u buuxiso waqtiga ama fursadaha seegay guuldarada degmada. Tusaale ahaan, waxaa laga yaaba in maamulka dugsiga degmada lagu amro inay bixiyaan kharashka ardayga si uu uga qaybqaato koorsada kuleejka bulshada, bixiso waxbarasho dheeraad ah marka lagu daro barnaamijka waxbarashada gaarka ah, ama in la diyaariyo barnaamijyo waxbaraso ah ee inta lagu jiro xagaaga, inkastoo ardaygu aanu si kale u qalmin in sanad dugsiyeedka uu helo adeegyo waxbarasho oo dheeraad ah.
Waa in codsiyada waxbarashada magdhawga ah ay la xiriiraan yoolalka iyo ujeedooyinka IEP-da. U fakar si hal abuur leh markaad codsanayso adeegyada waxbarashada magdhowga ah. Ka fakar waxa ardaygu jecel yahay inuu sameeyo (farshaxan, muusiga, sayniska, iwm.) oo soo jeedi barnaamij ama adeegyo bixiya waayo-aragnimadan.
Haddii aad ku guulaysato dhageysiga dacwadda, maamulka dugsiga degmadu ayaa ku qasbanaan doono in uu bixiyo kharashaadka aad ku gashay codsashada dhageysiga dacwadda iyo kharashaadka uu qareenku qaadanayo si uu kuu matalo adiga. La soco kharashaadka aad gashay ee ku aadan u diyaar garoowga dhageysiga dacwadda.