Waa maxay individualized education program ama “IEP?”

Waa maxay individualized education program ama “IEP?”

Individualized Education Program (IEP, Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah)waa qeexitaanka faahfaahsan ee casharka iyo adeegyada ardayga naafada ah u baahan yahay si uu u helo waxbarasho macno leh. Barnaamijka waxbarashada gaarka ah, ama IEP, waa dukumiinti qeexaaya adeegyada gaarka ah ee waxbarashada ee cunugu helaayo. IEP waa dukumiinti sharci ah ardayduna waxay xaq u leeyihiin inay helaan dhammaan adeegyada lagu sheegay IEP da. IEP waa in lagu dhisaa ardayga iyo baahiyihiisa waxbarashada, laakiin waxaa lagu dari karaa xeeladaha hal abuurka leh ee la xariira bixinta adeegyada.

IEP da waa in lagu daraa:

  • Caddaynta heerarka hadda ee arsaygu ka gaaray shaqada jirka iyo waxbarashada—xaalada guud ee ardayga
  • Hadafyada Sannadlaha ee waxbarashada
  • Cadaynta sida hormarka aydayga lagu cabiri doono iyo xiliga warbixinnada goo-gooska ah ee ku aadan hormarka ardayga lasoo saaraayo
  • Qeexitaannada dhammaan adeegyada cunugu heli doono markuu joogo labadaba fasalka waxbarashada guud iyo kan waxbarashada gaarka ah
  • Qeexitaanka "adegeyada la xariira" ee ardaygu heli doono sida baxnaaninta hadalka iyo luuqada, gaadiidka, iyo tallo bixinta
  • Qeexitaanka dhammaan isbadellada lagu sameeyo barnaamijka ee la bixin doono, sida agabka akhriska ee la fududeeyay, aalada akhriska ee imtaxaanaadka iyo layliyada kale, cajalada duubta khudbadaha, iwm.
  • Go'aaminta in ardaygu u baahan yahay iyo inkale agabka kaalmaatiga ah ee tignooloojiyada iyo adeegyada. Tignooloojiyada kaalmaatiga ah waxaa laga wadaa qalab ama nidaamyo kor u qaadaaya awoodaha ardayga waxaana ku jiri kara agabka ganacsiga loo sameeyay sida kumbuyuutar ama kaybiirka wax lagu qoro.
  • Go'aan ku aadan u qalmida jimicsiga jirka ee la fududeeyay, iyo haddii uu u qalmo, sida loo bixinaayo
  • Qeexitaanka sida ardaygu uga qaybgalaayo casharada iyo hawlaha waxbarashada guud, iyo haddii uusan ka qaybgalayn, sababta uusan oga qaybgaleen
  • Caawimaado kasta oo farsamo oo ardaygu heli doono si uu u qaato adeegyada sanad dugsiyeedka la kordhiyay, haddii ay Kooxda IEP du go'aamiso inay muhiim u yihiin
  • Caawimaadaha dabeecada, haddii ay jiraan, ee ardaygu u baahan yahay
  • Goobta, muddada, iyo inta jeer ee adeegyada la bixinaayo
  • Taariikhaha adeegyada la bilaabaayo
  • Bilaabida ugu danbayn Iep da marka ardaygu gaaro 16 sano, ama ka yar haddii ay Kooxda IEP du go'aamiso inay habboon tahay: 1) yoolalka haboon ee la cabiri karo ee dugsi sare kadib iyo 2) adeegyada kalaguurka ee loogu baahan yahay ka caawinta ardayga gaarista yoolalkaas.

Waxaa dheer ardayda qaata qiimaynada kale waa inay sidoo kale lahaadaan waxyaabaha soo socda oo lagu daray IEP dooda:

  • Qeexitaanka yoolka ama higsiyada muddada gaaban
  • Cadaynta sababta uusan ardaygu uga qaybgeli karin qiimaynta joogtada ah
  • Cadaynta sababta imtaxaan nooc kale oo gaar ah uu ugu habboon yahay ardayga.

Muddo intee le'eg ayay kadib qiimaynta koowaad ku qaadanaysaa cunugayga inuu helo IEP da haddii ay u qalanto waxbarashada gaarka ah?

Kadib 30 maalmood gudahood markuu soo baxo go'aanka sheegaaya in ardaygu xaq u leeyahay waxbarashada gaarka ah, kulanka IEP da waa in la qabtaa. Marka degmadu dugsigu go'aamiso in arday uu u qalmo adeegyada waxbarashada gaarka ah, degmadu waxay haysataa 30 maalmood (maaha kuwa dugsiga la dhigto keliya) inay qabato kulanka IEP ayna abuurto qorshaha gaarka ah ee ardayga.

Yaa abuuraaya IEP?

Kooxda IEP ayaa ka kooban dad gacan ka gaysan kara dejinta barnaamijka waxbarashada ee ardayga. Koox dad ah ayaa masuul ka ah qorista iyo ansixinta IEP da. Dadka soo socda ayaa qayb ka ah Kooxda IEP waxayna badanaa joogaan dhammaan kulannada IEP:

  • Waalidka ama masuulka
  • Ugu yaraan hal kamid ah macalimiinta waxbarashada guud ee ardayga (haddii ardaygu dhigto ama uu ka qaybgeli karo goobta waxbarashada guud)
  • Ugu yaraan hal kamid ah macalimiinta waxbarashada gaarka ah ama, marka ay habboon tahay, macalinka waxbarashada gaarka ah
  • Wakiil ka socda degmada oo xirfad u leh waxbarashada carruurta naafada ah aqoonna u leh manhajka guud iyo khayraadka la heli karo (sida agaasimaha waxbarashada gaarka ah)
  • Qof turjumi kara xogta qiimaynta (wuxuu noqon karaa mid kamid ah dadka kor lagu sheegay ama dhakhtarka caafimaadka dhimirka ee dugsiga)
  • Marka waalidka ama degmadu go'aansato, dad kale oo aqoon u leh ama khibrad gaar ah u leh cunuga
  • Ardayga (haddii ay habboon tahay)
  • Adeeg bixiyaasha adeegga kalaguurka (sida khubarada barashada shaqada ama qof ka socda wakaalad banaanka ah sida Division of Developmental Disabilities (DDD, Waaxda Naafooyinka Kobaca)).

Dad kale ayaa ku jiri kara Kooxda IEP. Sharciga ayaa si gaar ah ugu oggolaanaaya "dad kale oo aqoon u leh ama khibrad gaar ah u leh cunuga" inay ka mid noqdaan Kooxda IEP. Tani waxay ka dhigan tahay in Kooxda IEP ay ku jiraan qaraabo, xubnaha qoyska, xubnaha bulshada, baxnaaniyaasha, u doodeyaasha. Degmada ama waalidka ayaa go'aaminaaya cidda aqoonta ama khibrada u leh cunuga. Haddii ay jiraan dad aad aaminsan tahay inay ka qaybgalaan Kooxda IEP da ee cunugaaga, xaqiiji inaad u sheegto dugsiga si ay u casuumaan. Hase yeeshee, sida ku cad IDEA iyo sharciga waxbarashada gaarka ah ee gobalka, xubnaha Kooxda IEP qasab maaha inay kasoo qaybgalaan kulanka xaalado kasta oo jiraba. Xubin kamid ah Kooxda IEP ee ku qoran kor qasab kuma ahan inuu soo xaadiro kulanka IEP haddii aagga manhajka ee xubinta aysan ku jirin mawduuca kulanka waalidka iyo degmada dugsiguna isku raacaan si qoraal ah in xaadiristiisu aysan qasab ahayn. Tusaale, adeeg bixiyaha hadalka iyo luuqada ayaa laga yaabaa inaan laga doonayn inuu soo xaadiro haddii adeegyada hadalku aysan ahayn mawduuca kulanka IEP waalidka iyo degmada dugsiguna labaduba isku raacaan qoraal ahaan in adeeg bixiyaha hadalka iyo luuqada aan laga doonayn inuu soo xaadiro waayo ujeedada kulanka ayaa ah in la doodo qorshaha caawimaada habdhaqanka ardayga oo keliya. Waxaa intaas dheer, xubnaha Kooxda IEP da ayaa laga fasixi karaa kulanka XATAA HADDII kulanku quseeyo wax ka badalka ama ka doodista aaga shaqada ee xubinta haddii waalidka ama degmada dugsigu isku raacaan arintaan si qoraal ah. Hase yeeshee, xubin kamid ah Kooxda IEP oo la fasaxay waa inuu soo diraa fikirkiisa oo qoraal ah si loogu daro abuurista IEP da uuna u diraa waalidka iyo degmada dugsiga labadaba kahor kulanka.

Sidee ayaan ku ogaanayaa marka Kooxda IEP du ay kulmayaan?

Waa qasab in degmadu u sheegto waalidiinta ujeedada kulanka IEP, waqtiga iyo goobta, iyo cidda kasoo qaybgalaysa. Degmadu waa inay bixisaa ogaysiiska xili hore oo ku filan si loo xaqiijiyo in waalidiintu fursad u helaan kasoo qaybgelida. Kulanka waa in la mudeeyaa xili lagu heshiiyay waqtiga iyo meesha. Haddii waalidka iyo degmada dugsigu isku raacaan, kulannada ayaa lagu qaban karaa khadka taleefanka ama shir maqal iyo muuqaal ah.

Maxaan ku kordhin karaa IEP?

Fikradaha ka yimaada waalidiinta iyo dadka kale ee cunuga yaqaana kana fakarayaa guusha cunuga ayaa muhiim u ah abuurista barnaamijka waxbarashada gaarka ah oo waxgal leh. Waalidiintu waa qayb aad muhiim ugu ah Kooxda IEP waxaaana laga yaabaa inay fikrado aad muhiim ah ka hayaan dadka lagu daraayo kooxda. Kooxda IEP waa inay tixgeliyaan xadidaadaha marka ay abuurayaan qorshe. Waa inaad u sheegtaa dugsiga haddii ay jiraan dad kale oo aad aaminsan tahay inay fikir ku biirin karaan hanaanka. Qayb muhiim ah oo doorkaaga kamid ah markaad tahay u doode waa inaad qiimeyso barnaamijka waxbarashada iyo adeegyada ay soo bandhigayso degmada dugsigu. Tusaale, yoolalka iyo higsiyada ma yihiin kuwo macquul ah marka laga eego fahankaaga ku aadan awoodaha ardayga? Ma yihiin noocyada adeegyada ay degmadu ku talinayso kuwo farqi u samaynaaya cunugaaga? Haddii aad hayso tallooyinka ku aadan kor u qaadista qorshaha waxbarashada, waa inaad ka sheegtaa kulanka Kooxda IEP. Waxaad sidoo kale ku dari kartaa fikir iyo hal abuur cusub hanaanka. Ka fakar qaabab aad ula hadli karto cunugaaga oo aysan macalimiintu ka baaraan degin. Tusaale ahaan, haddii abaal marinta waqti shaqooyin gaar ah ama ciyaaro ay dhiiri geliyaan cunugaaga inuu sameeyo shaqooyinka guriga, markaas isla abaal marinno lamid ah oo ku aadan samaynta layliyada ayaa dugsigu dhaqan gelin karaa. Ama waxaa laga yaabaa inaad og tahay in cunugaagu dhibaato ku qabo marka ay jiraan mashquul badan, dad badan, ama qaylo badan. Waxaad soo jeedin kartaa in cunugaagu badelo casharada kahor ama kadib intaan ardayga kale sameyn.

Sidee ayuu IEP gu u waajahayaa ciladaha dhanka dabeecada?

IEP ga waa in lagu daraa qiimaynta dabeecada habdhaqanka iyo qorshaha caawimaada dabeecada haddii cilado dhanka dabeecada ah ay jiraan. Arday dabeecadiisu carqalad ku tahay higsigiisa waxbarashada ama tan ardayda kale, IEP gu waa inuu baxshaa yoolal iyo higsiyo ku aadan hormarinta dabeecada iyo xeeladaha xal u helida cilada. Waa muhiim in la xasuusto in habdhaqanka ardaygu ka imaanaayo naafadiisa. IEP gu waa inuu qiyaasaa ciladaha dabeecada uuna abuuraa qaabab waxtar leh oo looga hortagaayo ciladahaas kahor intaysan dhicin.

Goorma ayaa dib u eegis ama muraajacayn lagu sameeyaa IEP ga?

Ugu yaraan halmar sanadkii, laakiin marar ka badan ayaa la sameeyaa marka xubin kamid ah Kooxda IEP du codsado. IEP yada waa in la muraajaceeyaa halmar sanadkii. Hase yeeshee, waa qasab in degmadu raacdo IEP da xataa haddii la dhaafay xiligii dib u eegista. Dhammaadka sanadka, Kooxda IEP da waa inay kulmaan si ay dib u eegis ugu sameeyaan barnaamijka waxbarashada ayna u go'aanshaan in yoolalka sanadlaha ah ee ardayga la gaaray. IEP ga waa in la muraajaceeyaa haddii ardaygu uusan muujin wax hormar waxbarasho ah ama xog cusub oo ku saabsan ardayga ay soo baxdo. IEP ga waa in lagu muujiyaa baahiyaha isbadelaaya ee ardayga markuu sii qaangaaro. IEP ga ayaa sidoo kale dib u eegis lagu samayn karaa marka uu codsado xubin kamid ah kooxda ama marka xaaladuhu isbadelaan. Hase yeeshee, sida ku cad sharciga IDEA iyo sharciga waxbarashada gaarka ah ee gobalka, isbadello ayaa hadda lagu samayn karaa IEP ga ardayga kadib marka kulanka dib u eegista ah ee sanadlaha ah la qabto ayadoon la qaban kulanka IEP haddii waalidka iyo degmadu sidaas ku heshiiyaan. Markay sidaan dhacdo, dukumiinti qoran ayaa loo adeegsan karaa si wax looga badelo ama loo fududeeyo IEP da cunuga. Marka waalidku codsado, degmada dugsigu waa inay waalidka siisaa nuqulka la muraajaceeyay ee IEP da taasoo ay ku jiraan isbadellada. Haddii aad aamisan tahay in IEP ama adeegyada waxbarashada gaarka ah ee cunugaaga la badelay, ka codso Degmada nuqulka IEP dii ugu danbaysay ayna ku jiraan isbadello kasta oo qoraal ah oo lagu sameeyay heshiiska. Sida ku cad IDEA, degmooyinka dugsiga ayaa sidoo kale lagu boorin karaa inay yareeyaan tirada kulannada IEP ee loo qabto arday kasta sanad kasta ayadoo la dhiiri gelinaayo isku dhafida kulannada Kooxda IEP.

Ka waran haddii isbadello lagu sameeyo IEP da cunugaga anoon oggolaansho bixin?

La hadal dugsiga isla markaba si aad ugu sheegto walaacyadaada. Waxaad qayb ka tahay Kooxda IEP waana qasab in lagugu daro dhammaan go'aannada ku saabsan barnaamijka waxbarashada gaarka ah ee cunugaaga. Haddii aadan awoodin inaad xal u hesho khilaafka si dadban adoo la hadlaaya shaqaalaha dugsiga, akhri Qaybta VII ee Xalinta Khilaafka ee dabaacaadaan si aad u hesho dookhyo dheeraad ah.

Marka cunugaygu u qalmo waxbarashada gaarka ah ma jirtaa qiimayn kale?

Haa, ardayda qaba naafada waa in qiimayn lagu sameeyaa halmar saddexdii sanaba, iyo marar dheeraad ah haddii loo baahdo. Inkastoo ay qasab tahay in la muraajaceeyo IEP halmar sanad kasta, dib u qiimaynada ardayda qaba naafada ayaan u baahnayn in sanad kasta la sameeyo. Dib u qiimaynada waa qasab in la sameeyo ugu yaraan halmar saddexdii sanaba mar.Waalidka iyo degmada dugsiga ayaa isku raaci kara in dib u qiimaynta saddexda sano ah aysan qasab ahayn. Hase yeeshee, qiimaynadaan saddexdii sanaba mar ayaa badanaa siiya waalidiinta iyo degmooyinka dugsiga xog muhiim ah oo ku aadan xaalada ardayga. Ka fakar isbadellada ardaygu maraayo saddexdaas sano laga bilaabo dugsi hoose ilaa dugsi sare! Si taxadar leh uga fakar kahor intaadan aqbalin inaan dib loo qiimayn cunugaaga waayo waxyaabo badan ayaa isbadeli kara saddex sano kadib lagasoo bilaabo qiimayntii ugu danbaysay. Ardayga ayaa dib u qiimayn lagu samayn karaa xiligaas kahor haddii degmada dugsigu go'aamiso in baahiyaha waxbarashada iyo adeegga ee cunugu u baahan yihiin dib u qiimayn (tan waxaa ku jira xaaladaha cunugu samayn karo hormaro) ama haddii waalidka ama macalinku codsado dib u qiimayn. Hase yeeshee, dib u qiimaynada ayaan la qaban karin wax ka badan halmar sanadkii ilaa in degmada iyo waalidku ku heshiiyaan maahee in qiimayn loo baahan yahay. Ujeedada dib u qiimayntu waa in la go'aansho:

  1. In ardaygu wali buuxinaayo iyo inkale shuruudaha u qalmida
  2. Noocyada adeegyada dheeraadka ah ee loo baahan yahay si loo gaaro yoolka IEP da
  3. Heerarka hadeer ee guusha waxbarashada iyo baahiyaha la xariira ee kobaca ardayga.

Kooxda IEP du waa inay dib u eegis ku sameeyaan xogta qiimaynta ee jiray ee ardayga si loo go'aansho baaritaan dheeraad ah haddii uu jiro, loo baahan yahay si xal loogu helo saddexdaan waxyaabood ee kor lagu sheegay.

Xagee ayuu ka helayaa cunugaygu adeegyada naafada ee lagu qeexay IEP giisa?

Ardayda qaba naafada waa in wax lagu baraa meel xoriyad leh oo waxbarasho - taasna waxay noqon kartaa fasalka waxbarashada guud. Mabda'a asalka u ah IDEA waa in ardayda naafada ah lagu daro barnaamijka waxbarashada guud sida ugu badan ee macquulka ah waana inaan laga saarin ama wax lagu barin meel gaar ah. Carruurta naafada ah ayaa xaq u leh in wax lagu baro goob waxbarasho oo xor ah. Tani waxay ka dhigan tahay in Kooxda IEP da ay qasab tahay inay ka fiirsato wax ku barista iyo ku siinta adeegyada ardayga isla meesha ardayda kale ee aan naafada ahayn wax lagu baro tacliinta, waxyaabaha ka baxsan tacliinka, iyo nashaadaadka ka baxsan manhajka. Ardayda naafada ah ayaa laga saari karaa goobta waxbarashada guud keliya haddii baahiyuhu aad u daran yihiin ama uu fawdo kicinaayo taasoo ka dhigan inuusan samaynayn kobac waxbarasho, xataa haddii taageero ama adeegyo dheeraad ah lagu baxsho fasalka waxbarashada guud. Maaha in dhammaan ardayda naafada ah guul ka gaari karaan fasalka waxbarashada guud ayagoon la siin taageero. Ardayda qaarkood ayaa u baahan caawimaad gaar ah oo ay ka helaan kaaliyaha macalinka ee fasalka, ama hawl fududayno ku aadan manhajka, macluumaadka, iyo qaababka casharka. Arday kale ayaa u baahan isbadel ku dhaca goobta oo dhan si guud, sida maalin gaar ah oo cashar lagu siiyo dugsiga ama guriga. Degmo dugsiyeed kasta waa inay xaqiijisaa in heerka goobaha waxbarashada ay heli karaan ardayda naafada ah maadaama ardayda qaar oo naafo ah u baahan yihiin wax ka badan inta lagu barto fasalka waxbarashada guud. Ardayda waa in wax lagu baraa goob waxbarasho oo ugu dhow fasalka waxbarashada guud, laakiin wali ardayga siinaysa kobac dhanka tacliinta ah. Heerkaan goobaha waxbarashada ayaa mararka qaar loogu yeeraa goobaha joogtada ah waxaana ku jiri kara dookhyada lagu qeexay shaxda dhanka bidix.

Maxaa dhacaaya haddii cunugaygu uu leeyahay IEP aana guurno sanad dugsiyeedka dhexdiisa?

  1. U guurista meel gobalka kamid ah: Degmada cusub ee dugsiga waa inay ardayga siisaa adeegyada u dhigma kuwa lagu sheegay IEP ga ka yimid degmadii hore ilaa degmada cusub ay dhaqan gelinayso IEP dii hore ama ay abuurayso IEP cusub.
  2. U guurista meel ka baxsan gobalka: Degmada gobalka cusub waa inay ardayga siisaa adeegyada u dhigma kuwa lagu sheegay IEP ga ka yimid degmadii hore ilaa degmada cusub ay samayso qiimayn cusub, haddii loo baahdo, ayna abuurto IEP cusub.

 

Labada xaaladood ba, dugsiga cusub waa inuu qaadaa tallaabooyin macquul ah si uu u helo diiwaannada waxbarashada gaarka ah dugsiga horena waa inuu si degdeg ah uga jawaabo codsiyada xogta.

 

Cunugayga naafada qaba ma heli karaa adeegyada waxbarashada gaarka ah inta lagu jiro xagaaga?

Haa.

  1. Adeegyada Extended school year (ESY, Sanad dugsiyeedka la kordhiyay)

Ardayga qaba naafada ayaa heli kara adeegyada waxbarashada gaarka ah inta lagu jiro xagaaga haddii Kooxda IEP du ay go'aamiso in adeegyadu muhiim yihiin si ardaygu u helo waxbarasho macno leh. U qalmida adeegyada sanad dugsiyeedka la dheereeyay waxaa lagu salayn karaa waxyaabaha soo socda:

  • Suurtagalnimada in ardaygu uu lumin karo xirfadaha inta lagu jiro xagaaga
  • In barnaamijka xagaagu muhiim u yahay ardayga si uu u gaaro yoolalkiisa sanadlaha ah ee IEP
  • Talo bixin ka timid xirfadle
  • Taariikhda waxbarashada ee ardayga.

Degmooyinka dugsiga ayaa laga doonayaa inay abuuraan shuruudaha Kooxda IEP du u adeegsanayso marka ay go'aaminayso baahida ardayga ee adeegyada sanad dugsiyeedka la dheereeyay. Haddii aad aaminsan tahay in cunugaagu u baahan yahay adeegyada sanad dugsiyeedka la dheereeyay, ka codso nuqulka shuruudaha Degmada. Haddii barnaamijka xagaaga la bixiyo, waa inay buuxisaa higsiyada IEP da. Si kale haddii aan u dhigo, ka qaybgalka koorsooyinka waxbarashada guud ee xagaaga ee la siiyo dhammaan ardayda ayaa laga yaabaa inaysan ku finaan ardayga. Haddii IEP ga ardaygu uu bixinaayo macalin fool ka fool u taageeraya ardayga inta sanad dugsiyeedka lagu jiro, waa in ardayga la siiyaa casharka fool ka foolka ah inta lagu jiro xagaaga sidoo kale. Barnaamijka sanad dugsiyeedka la kordhiyay waa in si bilaash ah lagu siiyaa ardayga. Haddii degmadu aysan lahayn barnaamijka xagaaga oo ku habboon ardayga u qalma adeegyada sanad dugsiyeedka la kordhiyay, degmadu waa inay barnaamijka abuurtaa ama dhiibtaa qarashka si ardaygu uga qaybgalo barnaamijka ay bixiso degmo dugsiyeed kale ama urur gaar loo leeyahay. Degmadu waa qasab inay dhiibto qarashka gaadiidka ama qarashaadka kale ee la xariira barnaamijka sanad dugsiyeedka cusub.

  1. Caawimaadaha iyo adeegyada lagu bixiyo dugsiga xagaaga ee waxbarashada guud

Haddii ardday qaba naafo uusan u qalmin adeegyada ESY laakiin uu iska qoro barnaamijka dugsiga xagaaga ee waxbarashada guud ee degmada, dugsigu waa inuu wali siiyaa caawimaad iyo casharo gaar ah ardayga. Ku codso adeegyadaan sharciyada IDEA iyo Qaybta 504 haddii cunugaagu u baahan yahay caawimaad dheeraad ah si uu uga qaybgalo barnaamijka.

Barnaamijka waxbarashada gaarka ah ma ka caawin karaa cunugayga ka gudbidda nolosha dugsiga iyo u guurista nolosha dadka waaweyn?

Haa, waxbarashada gaarka ah waa inay bixisaa adeegyada kalaguurka ee ardayda ayadoo loo bilaabaayo ugu yaraan markay gaaraan lix yo toban jir. Waxbarashada gaarka ah ayaa adeegyada siinaysa dhammaan ardayda naafada ah si looga caawiyo u diyaar garoowga nolosha dadka waawayn. Adeegyadaan, oo la yiraahdo "adeegyada kala-guurka," waxaa loo sameeyay in lagu hormariyo kalaguurka dugsiga looga baxo ee lagu galo nolosha dugsiga kadib, ayna ku jiraan waxbarashada kuleejka iyo waxbarashada kale ee dugsiga sare kadib, barnaamijyada tababarka shaqada, barnaamijyada nolosha madaxa banaan, adeegyada dadka waawayn, iyo shaqada lagaa taageeraayo. Degmooyinka dugsigu waa inay bilaabaan qorshaynta kalaguurka ardayda waawayn, laga bilaabo ugu danbayn IEP da koowaad si ay u dhaqan gasho marka ardaygu gaaro 16 sano. Tani waxay ka dhigan tahay in degmada dugsiga ay qasab tahay inay ku sheegto kalaguurka qorshaha kulanka sanadlaha ah ee IEP kahor intaan la gaari dhalashada 16aad ee ardayga. Kadib qorshe loo sameeyo kalaguurka, IEP da waa in lagu daraa yoolalka macquulka ah, ee la gaari karo ee dugsiga sare kadib ee la xariira tababarka, waxbarashada, shaqada iyo, marka loo baahdo, xirfadaha nolosha madaxa banaan laguna sheegaaya adeegyada kalaguurka, ayna ku jiraan koorsooyinka uu baranaayo, ardayga ayaa u baahan gaarista yoolalkaan. Yoolalkaan waa in lagu saleeyaa qimaynta saxda ah ee kalaguurka. Noocyada adeegyada kalaguurka ee ardaygu helaayo waa in lagu daraa waxyaabaha uu doonaayo iyo dookhyadiisa iyo xirfadaha uu u baahan yahay inuu yeesho.

Miyaan heli karaa nuqul tarjuman oo IEP-ga ilmahayga ah?

Haa, waad heli kartaa nuqulka Individualized Education Program (IEP, Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah) ilmahaaga oo la turjumay haddii aad mid u baahan tahay si aad awood ugu yeelato inaad fahanto.

Marka loo eego sharciyada waxbarashada gaarka ah, degmooyinka waa inay tarjumaan foomamka oggolaanshaha waxbarashada gaarka ah iyo “prior written notices ogeysiisyada qoraalka hore.”

Sharciyada waxbarashada gaarka ah waxba si gaar ah ugama sheegaan tarjumaada IEP lafteeda. Hase yeeshee, US Department of Education (Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka) iyo US Department of Justice (Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku) waxay sharaxeen in si loogu hoggaansamo Cinwaanka VI ee Civil Rights Act (Xeerka Xuquuqda Madaniga), degmooyinka waa inay diyaar u noqdaan inay bixiyaan tarjumaadaha IEP-yada. Waxay sharaxayaan:

Sida ku cad Farqada VI, dhammaan dukumeentiyada muhiimka ah, oo uu ku jiro IEP-ga ardayga, waa in ay helaan waalidiinta LEP -ka ah [Aqoontooda Ingiriisidu Xaddidantahay], laakiin taasi macnaheedu maaha in dhammaan dukumeentiyada muhiimka ah loo turjumo luqad kasta oo degmada looga hadlo. Tusaale ahaan, fasiraada afka ah oo waqtiyeysan oo dhammaystiran ama soo koobitaanka qoraalka muhiimka ah ayaa laga yaabaa inay ku filnaato xaaladaha qaarkood. Degmadu waa inay, si kastaba ha noqotee, u diyaar ahaato inay bixiso IEP-yo la turjumay oo wakhtiyeysan oona dhammaystiran si ay u bixiso helitaan macno leh oo ku aadan IEP iyo xuquuqda waalidka ee iyada ku lifaaqan. Tani maxaa yeelay waalidku wuxuu u baahan yahay inuu galaangal macno leh u helo IEP ma aha oo kaliya inta lagu jiro kulanka IEP, laakiin sidoo kale sannad dugsiyeedka oo dhan si ay u kormeeraan horumarka ilmaha ayna u hubiyaan in adeegyada IEP la bixiyo.

https://sites.ed.gov/idea/files/policy_speced_guid_idea_memosdcltrs_iep-translation-06-14-2016.pdf

Haddii aad u baahan tahay nuqul ka mid ah kooxda IEP ee ilmahaaga oo tarjuman, la xiriir waaxda waxbarashada gaarka ah ee ku yaalo degmada dugsiga ilmahaaga.  

Haddii aad qabto su'aalo ama walaacyo, fadlan naga soo wac barta Office of Equal Opportunity (OEO, Xafiiska Fursadaha Loo Siman yahay ) waxaanan isku dayi karnaa inaan ku caawino.